Wasiirka Qorsheynta oo Sheegay in aanay Somaliland ka Qaybgalay Shir Qaramada Midoobay waddo oo lagu qabanayo Denmerk.

0
102

sacadHargeysa(Waaheen) Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in aanay Xukumada Somaliland ka qayb galay Shir Caalami ah oo lagu qabanayo Bisha soo socota Dalka Denmerka, Shirkaasi oo ah mid loo qabanaayo  Maamulada ka jirra Somaliya, waxaana la sheegay in shirkaasi ay  Maalgalintiisa ay leedahay  Qaramada Midoobay, waxaana Shirkaasi Martigalisay Dawlada Denmerka oo ka mid ah Dawlada Somaliland sidda weyn u caawiya.

Wasiir Dr. Sacad ayaa sheegay in Mawqifka Dawlada Somaliland yahay in aanay ka Qaybgalin Shirarka ay qabanqaabadiisa leedahay Dawlada Somaliya, isaga oo hoosta ka xariiqay in Somaliland shirka ay ka qaybgalayso uu noqto mid dawlad ahaan lagu soo casuumo balse aanay ka  qaybgalayn mid somaliya ay wadato.

Dr. Sacad oo ka hadlaya Shirkaasi iyo sababta Somaliland aanay u qaybgalayn waxaa uu yidhi. “Arrinkaa aad i waydiisay ee Khuseeya ka soo qaybgalka Shirka ee dhacaya Bishan Soo socota ee November 17-da kaasi oo ka dhacay Caasimada  Kobanheygan  ee  Dalka Denmerka, Runtii shirkaasi waxa qabnaqaabinaysa Somaliya iyada oo la kaashanaysa Qaramada Midoobay waxaana Gogosha fidisay Denmerka, marka shirkaasi maw qifka aynu ka qaadanay waxaa weeyi in aynaan ka qaybgalin shirkaasi,  sababta aynaan u qaybgalayna waxa weeyi mar haddii shirkaasi aynan labba waddan oo siman uga qaybgalayn dee tagimayno shir uu hagayo ama uu qabanqaabinayo madaxweynaha Somaliya, waayo dawladiisa iyo Fadaraalkiisa midna kama midnihin.  Laakiin Dawlada Denmerka waxay ka mid tahay dawladaha Asaasay Sanduuqa Maalgalinta Somaliland runtii waa waddan aad inoo caawiya waa waddan aynu aad u saaxiib nahay.”Ayuu yidhi Dr. Sacad.