Wasiirka horumarinta ingiriiska iyo safiirkooda kenya oo hargeysa ka soo degay goor dhaweyd.

0
96

 

download (2)Hargeysa(waaheen) wasiirka horumarinta ingiriiska  Ms. Lynne Featherstone ayaa goor dhaweyd ka soo degtay madaarka hargeysa waxaanay kulan deg deg ah qasriga madaxtooyada kula leedahay madaxweyne ku-xigeenka somaliland iyo wasiirada qaarkood.

Wasiirka ingiriiska u qaabilsan horumarints waxa safarkeeda ku wehelinaya safiirka ingiriiska u fadhiya kenya, waxaanay soo mareen muqdisho ka hor intii aanay somaliland soo gaadhin.

Madaxweynaha somaliya xasan sheekh maxamuud oo saaka u duulayey dalka ingiriiska, halkaas oo uu kaga qayb galayo shir dawladda ingiruisku ku eegayso shiidaalka somaliya. Dawladda ingiriiska ayaa wada Dhaqdhaqaaq ay ku doonayso in lagu soo saaro shiidaalka somaliya. Dawladda ingiriiska ayaa qaybaha somaliya la yeelatay shirar doceedyo ay ku bislaynayso sidii ay heshiis uga gsadhi lahaayeen in si nabad ah loogu soo saaro shiidaalka ku dihin somaliya.