Al-shabaab oo isku Haysta Mobile-kii uu ka Dhintay Abu Mansuur Al-Amriiki oo Sirro ku duugan yihiin.

0
93

Al-shabaab oo isku Haysta Mobile-kii uu ka Dhintay Abu Mansuur Al-Amriiki oo Sirro ku duugan yihiin.

 

Muqdisho (Waaheen) Ilo-wareedyo k asoo baxaya  Al-shabaab ayaa sheegay in uu Khilaaf ka dhex curtay Kooxda Al-shaabab  kaasi oo ku  sababsan  Mobil uu horay u lahaa Abu Mansuur Al-Amiiriki oo ku baxay gacanta Hogaamiyihii geeriyooda ee Axmed Godane.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Mobilka laga helay xog ku saabsan xidhiidh u dhaxeeyey Al-amriiki iyo Sirdoonka Mareykanka, xili uu bixinaayay macluumaad ku saabsanaa alshabaab iyo xarumahooda ugu waaweyn halka ay ku leeyihiin.

Mobilka ayaa ah kii uu watay Al-amriiki ka hor inta aan la dilin, waxaana la tilmaamayaa in mobilkaasi uu ku jiray gacanta Hogaamiyihii geeriyooday ee Al-Shabaab ee Axmed Godane, balse hadda ay maleeshiyada kale isku haystaan.

Horjoogayaal uu kamid yahay Axmed Diiriye, ayaa ku murunsan in lasoo bandhigo xogtan oo qaarkeed ay ka mid yihiin codad iyo in la qariyo laguna sameeyo baaritaano dheer, maadama arrinta ay tahay mid aad xasaasi u ah.

Dhanka kale, wararku waxa ay tilmaamayaan in mobilka laga helay cod ku saabsan duqeymo lala damacsanaa Hogaanka sare ee alshabaab, hasa yeeshee fulinta weerarkaasi ka hor la dilay Al-amriiki.