Boqorka Beelaha Daarood Oo Badhan Kusoo Fool Leh Nuxurka Socdaalkiisa + Suldaanka Guud Ee Beelaha Warsangeli Oo Dhexda U xidhtay Soo Dhowayntiisa

0
89

boq-burhan+suld-sicidBadhan(Waaheen) Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa la filayaa inuu magaalada Badhan ee Sanaag-bari soo gaadho maalinta Isniinta ee ku beegan 20/10/2014 Waxana magaalada Badhan laga dareemayaa abaabulka u diyaargarowga soo dhowaynta Boqor Burhaan Boqor Muuse

Socdaalka Boqorkan Beelaha Daarood ayaa sida ay sheegayaan ilo wareedyo u dhuun daloola wuxu salka ku hayaa sidii magaalada Badhan loogu qaban lahaa shir turxaan bixineed oo beelaha Daarood gaar ahaan Beelaha Majeerteen iyo Dhulbahante oo ku kala fogaadey arrimo badan oo dhaqan iyo siyaasadba isugu jira taasoo haddii ay suuta gasho looga sii gudbi doono Shirweyne Beelaha Daarood u dhan yihiin oo la qabto.

Suldaanka Guud Ee beelaha Warsangeli Suld-Siciid Suld-C/salaam oo beryahan u danbeeyeyba siyaasaddiisu kasii jeesatey Somaliland dhawr jeerna ka qayb galay shirar Somaliland ka dhan ah ayaa xilligan Magaalada Badhan ka wada abaabul xooggan oo ku waajahan sidii boqorkan loogu soo dhowayn lahaa degaankiisa Sanaag-bari

Dhinaca kalena ujeeddada ka danbaysa socdaalka boqorka beelaha daarood ee xilligan ayaa kazoo unkantay Madaxweynaha Is-maammulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar (Iley) oo muddo badan dhexda u xidhnaa sidii uu isugu xidhi lahaa bulshada kala deggan degaannada kala durugsan ee Kismaayo Garoowe Laascaanood iyo Kililka Shanaad kuwaasoo uu u aanaynayo in ay yihiin bulshooyin isku hayb ah oo u suurta gelin kara isusocodka iyo manaafacaadsiga dekedaha Kismaayo Boosaaso Laascaanood iyo Kililka Shanaad Haseyeeshee caqabadda hor taagani noqotay colaadda raagtey ee dhex taalla beelaha Majeerteen iyo Dhulbahante Taasoo ah tan uu doonayo in uu meesha ka saaro xilligan

 

Waaheen.com/Sanaag