Studio-gii Idaacadda Radio Hargeysa oo Dab qabsaday iyo Dabdamisyo u gurmaday

0
120


Hargeysa(Waaheen) Studio-gii wariyayaashu ka tabin jireen Radio Hargeysa ayuu Dab qabsaday, waxaana soo gaadhay khasaare balaadhan, wallow markii danbe la bakhtiiyey.


Shan Dab damis oo ah kuwa Caasimadda ayaa u gurmaday Bakhtiinta Studio-ga Radio Hargeysa, kadib markii Dab ka kacay.
Illaa hada lama oga sababta dhalisay Dabka, hase yeeshee waxa ku hawlan baadhitaanka Dabkaasi Ciidanka Booliiska, kuwaas oo wax ka qoraya Wariyayaashii Studio-ga ku sugnaa.