Maayar ku-xigeenka Burco oo ka warbixiyay wadada Jaamacada Burco oo maanta la soo gabogabeyey iyo wadooyinkii kale

0
90

maayBurco(Waaheen) Wadada isku xidha Suuqa Magaalada Burco iyo Jaamacada Burco ayaa saaka wajigii ugudanbeeyay ee Jayga iyo daamurka lagu bilaabay,waxaana saaka wadaada ka warbixiayay Maayarku xigeenka Magaalada Burco Muxumad Xasan Jaamac (Xoday) iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha degaanka Burco.
Ugu horayn Maayar Ku xigeenka oo ka warbixinaya Wadadan iyo kuwo kale oo ay dawlada hoose magaalada Burco ka wado ayaa waxa uu hadalkiisi ku bilaabay”
waxaa maanta gabo gabo ah  wadadii Jaamacada Burco oo ah wado halbawle ah taas oo isu socodka dadwaynaha iyo Ardayda jaamacada Burco,Wadadani waxay dhantahay oo dhererkeedu yahay 1300 00  mitir,waxaanay wadani ka mid tahay wadooyinkii aanu wadanay oo ahaa ilaa 11 km kuwaasoo ay ku jirtay wadada Mgaalada Ku wareegta oo siirooga magaalada oo iyana Afar iyo badh kiiloo mitir ah,insha allah waxaanu rajaynayanaa in aanu Buldhada wax wanaagsan u qabano waanan sii wadi doonaa waadooyinka magaalada Burco ilaa aanu kawada gaadhsiino.
Xildhibaan Axmed Afyare oo ka mid ah Golaa degaanka Burco ayaa isna yidhi”wadadani waxay ku timi markii nala soo doortay afar iyo toban casho ka dib ayay jaamacadu na casuuntay waxaanay naga codsatay inaanu wadadaas u dhisno,dabadeedna waanu balan qaadanay,Balan qaadkii waakaas ilaahay maanta noo rumeeyay.
Xildhibaan shiine Faliidh iyo Xildhibaan Kayse Cabdi raage oo yan halkaas ka hadlay ayaa dadwayana reer  Burco ugu baaqay inay wadooyinka ilaaliyaan oo nadaafadooda dhawraan isla marakaan ay marmar dhigaan laamiga hareerihiisa.

Wariyaha Burco ee Waaheen Media Group

Axmed Sakaaro.