Dhakhtarka Caalamig ah National Medical Center & Dental Clinic oo Maanta Daaweyn Bilaash ah u sameeyey Dadweynaha Danyarta ah ee ku nool Xaafada State House-ka.

0
172

12Hargeysa(Waaheen) Dhakhtarka Caalamig ah ee National Medical Center & Dental Clinic ayaa Maanta Daaweyn Bilaash ah u sameeyey Dadweynaha Danyarta ah ee Degen Xaafada State House-ka ee Magaalada Hargeysa.
Dadweynaha Xaafadaasi ayaa Maanta Safaf dhaadheer u galay Dhakhaatiirtaasi daaweynta Bilaa lacagta ah u sameeynayey waxaana Dadkaasi la siinayey daaweyn iyo Baadhis Bilaasha ah, iyada oo ay u shaqeynayeen Dhakhaatiir Ajnabi ah iyo kuwo Dalka ku dhashay.

Dr.Mohamed Xassan Nuur oo faahfahin warbaahinta ka siiyey Hawlaha ay u qabanayan Dadka danyarta ayaa waxaa uu yidhi. “Dhakhtarka National Medical Center & Dental Clinic waxaanu Maanta Bulshada Danyarta ah ee Xaafada State House-ka u sameynaynaa Daaweeyn Bilaash ah oo aanu ugu deeqnay Dadka Danyarta ee degen Xaafadan, Dadkan waxaanu ka Baadhidoona Cudurada kala duwan isla markaan waxaanu siindoona Daaweeyn Bilaash ah, sidaasi daradeed Daaweynta Bilaashka ah ee aanu Bixinaynaa waa mid aanu dadka reer Somaliland dib ugu soo celinayno Dheeftii aanu ka helaynay, waxaa kale oo ka dhakhaatiir ahaan doonaynaa in aqoontii aanu soo baranay dib ugu celino dadkayga.”Ayuu yidhi.

11
Dr. Mohamed oo hadalkiisa sii watan waxa uu yidhi. “Barnaamijkan waxaanu ugu tallo galanay in dadka Danyarta ee aan waxba haysan aanu ku gargaarno, oo aanu Siinayno Daawooyin Bilaash ah, shaybaadh Bilaasha ah, barnaamijkani waa bilow waxaanuna ugu tallo galnay in aanu joogtayno, dhammaan gobolada dalka oo dhana waanu kasameyndoona waliba xaafadaha Danyarta ah ee aan waxba haysan, waxa kale oo dadka danyarta ee reer hargeysa u sameyndoona Maalmaha Sabtida, Axda iyo isniinta Baadhis Bilaasha ah, Barnaamijankani waa kii ugu horeyey ee aanu sameyno waana mid socondoona, isla markaan waxaanu maanta hawshaasi ka bilaabnay Xaafadan State Houseka ee magaalada hargeysa waxaana Jooga Dhakhaatiir Ajnabi ah iyo kuwo waddani ah oo aqoon sarre leh.”Ayuu yidhi Dr.Mohamed Xassan Nuur
10
Guddoomiyaha Xaafada State House-ka oo isaguna ka hadlay ayaa Soo dhaweyey Adeegan Cusub ee caafimad ee uu u fidiyey Dhakhtarka National Medical Center & Dental Clinic oo uu sheegay in daawooyin bilaasha ah iyo baadhis caafimad u sameynayo waxaanu xusay in dadka degen xaafadani yihiin qaar dan yar ah oo aan waxba haysan isla markaan gacmo furan ku soo dhaweynayaan caafimad bilaashka ee loo fidinayo.

9
National Medical Center & Dental Clinic oo ah Dhakhtar dhawaan laga hirgaliyey Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu soo bandhigay Qorshe cusub oo Bulshada Somaliland soo dhaweysay.

7 6 5 3 2 13