Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Somaliland oo ka qayb galay shirka Maal-gelinta Adduunka ee ka socda GENEVA

0
141

Waxa ka qayb galay 3600 oo Hogaamiye oo ka kala socda Dunida iyo Afartan Madaxweyne

1Geneva(Waaheen) Agaasimaha Guud ee wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Xasan Cabdi Madar ayaa ka qayb galay shirka Caalamiga ah ee Maal-gashiga Adduunka, kaasoo ka socda GENEVA (World Investment Forum 2014).
Shirka Maalgashiga Adduunka ee 2014 (World Investment Forum 2014) oo bilaabmay shalay oo bishu ahayd 13 OKtoobar, kana socda xarunta qarammada midoobay ee Geneva, Waxa furey Madaxweynaha Switzerland, waxa kale oo ka farriin culus ka jeediyey Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki Moon, Tunisiya, guddoomiyeyaasha baarlamannada Australia, Ra’iisul baarlamaannada dalalka New Zealand, Lubnaan, Midowga Yurub; Raiisul wasaareyaal, 40 wasiir oo dunida ka kala socday.
Guud ahaan waxa ka soo qayb galay 3600 oo qof oo isugu jira Madaxda dawladaha, Hay’daha Qarammada Midoobay iyo Kuwa Caalamiga ah, Shirkadaha waaweyn ee dunida, Jaamacadaha.
Shirka oo ilaa khamiista maanta ah socon doona waxa lagaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii maalgashi dunida loogu samayn lahaa isla markaana iskaashi gobol loo samayn lahaa.

7
Waxa si gaar ah loo xusay fursadaha maalgashi ee ka jira Afrika gaar ahaan dalalka Afrikada bari oo Kiiniya, Itoobiya, Tanzaniya iyo Somaliland ugu mudan yihiin nabadda ka jirta awgeed.
Waxa Somaliland lagu ammaanay sida ay Somaliland uga dabbaalatay gobol colaadi ka jirto taas oo fursad u siinaysa maalgashi caalami ah in lagu sameeyo.

6
Shirka diyaarisay hay’adda Qaramada midoobay ee UNCTAD, waxaanu Xoghayaheeda guud oo la yidhaa Dr.Kituni, waxaanu Somaliland yimi caleemo saarkii madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee 2010-kii.
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Somaliland oo shirkan si rasmi ah loogu soo martiqaaday waxa uu xubin ka yahay machadka sare ee Geneva Graduate Institute, kaasoo u sahlay ka qayb galka shirkaasi.

4
Shirkan ayaa u muuqda mid Somaliland ay ka heshay fursado ka balaadhan shirkii Dawladda Ingiriisku ganacsatada Somaliland ugu qabatay Dalkeeda.
Somaliland ayaa fursado badan oo Caalami ah dayacda, waxaana jira shirar badan oo Sumcad ahana dalka u wanaagsan kuwaas oo u baaqda Xukuumadda Somaliland oo aan xidhiidho badan la samayn.

3 2 1 7