Kab shaydaan iyo Koor-Jaan

0
158

 

Badhtamihii sagaashaneeyadii ayaa qoraa wayn oo u dhashay Somaliland laguna magacaabo sayid axmed shaakir wuxuu soo bandhigay sheeko layaab ku ahayd dadka, intaynaan u dhaadhicin gundhiga sheekada aan ku yara hakano waa kuma axmed shaakir?Sayid axmed shaakir wuxuu ahaa ruux aqoonyahan kamida dadkii wax usoo bartay waddankan wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtay inta badan xukuumadihii isaga dambeeyay dalka kuwii soomaliya iyo kuwan hadda somaliland, wuxuu ahaa nin aad u aragti fog kana faallooda hadba dhanka ay siyaasaddu u janjeedho iyo wixii laga filan lahaaba, wuxuu ahaa nin saadaaliya siyaasadda iyo gebi dhaclaynteedaba, wuxuu ahaa nin aan ka warwareegin wuxuu diidanyahay una badheedha qofkuu saluugsan  yahay cidduu doono ha ahaade ama xilku doono ha hayee, ku darsoo oo wuxuu ka mid ahaa haldoorkii mujaahidiintii SNM usoo halgantay waddankan, waxuu ka mid ahaa maskaxihii ka danbeeyay ee hagaayay aasaaskii xarunta mujaahidiinta SNM ee SOOYAAL, waxba yaanan ku dheeraan sayid axmed shaakir markii iigu danbaysay waxaa isoo gaadhay inuu xanuunsanaayo hargaysana joogo ilaahay caafimaad ha siiyo isaga iyo muslimiinta dhammaantoodba AAMMIIN, haddii aynu ku noqono kab shaydaan wuxuu ka mid ahaa sheekooyinka aan xasuustayda ka akhriyay saxaafadda soomaliland waxayna ka mid ahayd qalinkii sayid axmed shaakir, waatan sheekadiye, sayid axmed wuxuu ka warramay nin kab shaydaan la odhan jiray oo intiisii badnayd ku noolaa muqdisho balse markiisi hore reer cadmeed ahaa,kab shaydaan wuxuu ahaa tuug caan ah oo aan waxba ka xishoonin, wuxuu ahaa nin aad u gaabanoo kurka iyo madaxa u wayn,wuxuu ahaa nin aad qabyaaladda ugu dheereeya kuna camal fala, qaabka loo adeegsadona xariif ku ah, kab shaydaan wuxuu ahaa nimaan udhalan hawkarnimo iyo karti lagu majeerto, tixraaciisi wax barashona sida la soo weriyay may ahayn mid lagu qanci karo, kab shaydaan wuxuu ahaa nin aad u xil jecel haddana aad u dhaliil neceb, deegaan ahaan wuxuu u dhashay gobollada bari balse waa nin hadduu galbeed tago jecel inuu dadka u sarreeyo fadhigana looga wada kaco, waa nin magac jecel iyo maamuus waqtigaas aynu ka warramayno, wuxuu joogay hargaysa weliba xilal aad u sarreeya ayuu kasoo qabtay.Intaas haddaan kusoo koobo, horaa loo yidhi sheekoba sheekay keentaaye, waxaan ku xasuustay sheekadaa uu qoray sayid axmed shaakir nin dhowaan aanu ku kulanay hargaysa oo ay saaxiib dhaw ahaayeen kab shaydaan.Markii muqdisho la joogay, Waxa magaciisa la odhan jiay   KOOR- JAAN haddase waa qurba joog ku nool woqooyiga Ameerica. Haddaad iwaysdiiso kumuu ahaa koor -jaan? Anigoo jecel inaan si kooban u sharaxo bal aan qaabka ugu fudud ee loo fahmi karo u dhigee ila eeg, Koor-jaan waagii muqdisho la joogay wuxuu ahaa basaas wayn oo dharcad ah weliba ku xidhan madaxda ugu sarraysa ee dalka ka talinaysay, gaar ahaan golaha sare ee kacaanka, wuxuu basaasi jiray dadka ay isku beesha yihiin ee ISAAQ. Rag badan oo uu galaaftayna waa jiraan oo loo tirinaayo ninkaas magaca wayn leh waa koor- jaane. Haddaba aynu yara falanqayno  dhaqamada koor jaan iyo dadka lamidka ah sida kab shaydaan iyo qaar kaloo badanba, iyo fursadaha ay ka faa,iidaystaan, sidaynu ku naqaano dadka dhaqamadan leh had iyo jeeraale waxay huwadaan magacyo waawayn oo macne badan xambaarsan amaba wejiyo badan loo fasiran karo, ujeeddada ugu wayni waxay tahay inaan la fahmin ficilladan xun xunee ay ku caana maalaan, waxaa ka mida inay maamulladda xukuumiga ah dabada geliyaan oo ay cid ku yeeshaan hadba xukuumadda dhalata, waxay adeegsadaan rimuutka qabyaaladda {remote controls}  si looga baydho oo waxay ka helaan gabbaadin iyo difaac aan si fudud loogu dhiirran Karin, waxay ku xidhmaan raga sumcadda ku leh bulshada, sida salaadiinta, culimaa’u diinka, iyo raga  hormuudka ah sida siyaasiyiinta markaas calankoodu dhidban yahay una muuqda inay hanteen quluubta bulshada ama loo saadaaliyo inay kursiga ku guulaysanayaan , raga masaariifsada dhaqamadan waxay caan ku yihiin inay la baxaan magacyo waawayn oo dhan kastoo loo qaado ay adag tahay in sahlan loo fahmo sida, Sheikh hebel, ama aqoonyahan hebel, ama indheer- garad hebel, amaba derejooyin aanay caddayn goortii lasiiyay iyo goobtii ay ku guddoomeen midna , sida general hebel, kornayl hebel, haddii kale waa diktoor hebel, borofisoor hebel, injineer hebel amaba naanayso waawayn oo luuqad soomaali ahaan macna wayn samaynaya. Haddaba ninkan aynu ka hadlayno dadkii yaqaanay siday ii sheegeen waxaa la odhan jiray Axmed yaraantiisi, markii uu gacansaar la yeeshay taliskii macangaga iyo golihii sare ee kacaanka  wuxuu labaxay KORNAYL ISAAQ, xusuusnoow akhriste waa magac qabiil oo aad u ballaadhan xilligaasna aad loo nebcaa siiba maamulkii talada hayay oo si gaar ah u ugaadhsanaayay cidda magacaas ku abtirsata, isna wuxuu ula baxay waa bahallo gelin iyo giir iskakicin in loo arko nin khatar ah oon cabsi ka qabin maamulka markaas talinaayay, koor jaan waxay saaxiib gaar ah ahaayeen xussein kulmiye afrax waana ninka kusoo xidhay golaha sare ee kacaanka, ninkii caynakaas ahaa hadda wuxuu ku noolyahay woqooyiga America gaar ahaan gobolka OHIO sidaan warbixinaha ku helayna wuxuu u shaqeeyaa mid ka mida shiriikadaha gaarka loo leeyahay, wallow ay isku hayb yihiin mulkiilaha shariikadda  haddana waxaa dulsaaran weydiimo badan ay ka mid tahay sababta loogu xushay hawshaas? Maxaa faa’iiddo ah oo shariikaddu ka helaysaa? Muxuu u sheegtay mulkiilaha ma diktoor? Mise jeneraal ?mise suldaan? Mise nin bulsho uhaya iyo macaamiil badan? Ma odayaal baa la dhaqdhaqaajiyay oo ku qasbay sidan illayn soomalidaa tidhaahda tol waa waadh {Hospital ward}bal adba!!! waxaan jawaabahaas u daayay adiga akhristaha ah. Ninkii sifooyinkaa ku  lasoco cadadka dambe, ,,,,,,,,,,,,,,,,