“ Shirka Maalgashiga Somaliland Ee London Waa Shir Aad Muhiim Ugu Ah Somaliland”Madaxweyne Siilaanyo

0
41

 

Hargeysa(Waaheen) -Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Dalka Ingiriiska u jooga Shir uu kaga qayb galayo Magaalada London oo ku saabsan Maalgashiga Somaliland, ayaa sheegay in Shirkaasi yahay mid aad ugu muhiim ah Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo boggiisa Twitter-ka farriin kooban ku baahiyay ayaa sheegay in Shirkaasi Maalgashiga Somaliland u yahay Muhiim“ Shirka Maalgashiga Somaliland ee London waa Shir aad muhiim ugu ah Somaliland” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu intaasi raaciyay in Somaliland u furan tahay Ganacsiga iyo Maalgashiga “ Somaliland way u furan tahay Maalgashiga iyo Ganacsiga” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Wefti culus oo wasiiro u badan ayaa ku sugan dalka Ingiriiska, halkaasi oo ay kaga qayb galayaan shir ku saabsan fursadaha maalgashi ee Somaliland ka banaan.waxaa la rajaynayaa in shirka ay ka qayb galaan Shirkado Ingiriis ah iyo Ganacsato Somaliland ah.