Wasiirka Caafimadka iyo Agaasimaha  Cisbitaalka Hargeysa oo Sheegay in Adeegyada Cisbitaalku Bixiyo ay yihiin Qaar Casri ah  oo laysku Haleynkaro.

0
101

 

 

“Sanadkii 2013 Waxa Qaliin Culus aanu ku sameynay 1800 oo Qof waxa Dhintay 4Qof, Halka Sanadkan aanu Qaliin ku sameynay 1600 oo Qof waxa Dhintay 3Qof Taasi waxay ku tusaysaa Tayada Cisbitalaka.”Agaasimaha Cisbitaalka

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Caafimaadka somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye)  iyo Agaasimaha Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa Axmed Cabdi Cumar ayaa Si wadda jir ah u Beeniyey war uu ka Qoray mid ka mid ah Wargeysyada Dalka ka soo bax oo sheegay in Cisbitaalka Hargeysa uu noqday Meel Dadka Bukaanka ee lageeya ay ku dhintaan oo adeegyadiisu Xun yihiin, Wasiirka iyo Agaasimaha Ayaa warkaasi ku tilmaamay mid  aan sal iyo Raad toona lahayn iyaga oo sheegay in Cisbitaalka Hargeysa yahay Cisbitaalka ugu fiican Somaliland iyo Geeska Afrikaba.
Waxanay Tilmaameen in aan Cisbitaalka lagu dhimman sidda laga qoray basle uu yahay Cisbitaalku mid adeegyadiisu fiican yihiin isaga oo sheegay in  Sanandkii tagay ee 2013-ka ay ku Qaleen Cisbitaalka Hargeysa in ka baddan 1900 oo Qof waxanu tilmaameen in ay dhinteen 4 Qof oo kali ahi taasi ay tahay tayada Cisbitaalka iyo dhakhaatiirta ka shaqeysa oo ah Dhakhaatiir Caalami ah iyo kuwo waddanka Somaliland u dhashay.

Agaasimaha Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa Axmed Cabdi Cumar oo ugu Horayn Shirkaasi jaraa’id ka hadlaya ayaa waxauu yidhi “Cusbitaalka guud ee Hargaysa waa Cisbitaalkii qaranka,waa Cusbitaal ay dadku iska leeyihiin,Maqaalka Halkaas lagu qoray Waxa uu fadee-xadeeyey adeegii ay umadu dhigtay, kaas oon waxa Cadayn ah u hayn,Haay’ad Dhisan oo qaranku leeyahay hadii uu afkiisa ku Dumiyo waxa ay ila tahay mid aan loo dul qaadan Karin, Cisbitaalka guud adeeg-yada uu bixiyo waxa ay maanta iila muuqadaan inuu Hirgalay Dhamaana buuxiyay Baahiyihii Bulshada”

Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee magaalada Hargaysa oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas waxa uu ku daray”Cisbitaalku Bishii waxa uu qaliin sameeyaa 200 qof, Bishii waxa yimaada Cisbitaalka oo la dhigaa Hoolka Bukaan socodka ilaa saddex kun oo qof,Waxa bishii cisbitaalka Dumarka uur kaleh lagu bad-baadiyaa 40 ilaa 50tan qof,Qaliinka Dag-dag ah Dhakhtarku bilaash ayaa uu ku bixiyaa”Ayuu yidhi Agaasimuhu

 

Dhanka  kale waxa uu ka jawaab Warar ay qoreen warbaahintu oo sheegaya in Qaliinada uu dhakhtarku Fuliyo ay Ku dhintaa Dad aad u badan,isla markaasna ay qaliinada fuliyaan dhakhaatiir Ajnabi  ah oo tababar lagu siiyo “Jaraa’idku waxa uu sheegay qaliinada lagu fuliyo Dakhatarka wayn in ay ku dhintaan Maalintii 4 qof am 3qof,  arinkaasi waa been, waxaana laga doonayaan halka uu ka keenay Xogtaas, Waxaanu haynaa Shaxda  Tilmaamaysa inta qof ee ku dhintay sanadkan 2013ka iyo 2014Ka Waxaanan leenahay isaga ayaa laga doonayaa halka uu ka keenay Qoraalkaas iyo warkaas beenta ah,Sanadkii Hore ee 2013ka waxa qaliin loo sameeyay(Kun iyo sideed Boqol)waxaana ku dhintay 4 qof,Sanadkan 2014ka waxa qaliin lagu sameeyey(Kun iyo lix Boqol)Waxaana ka dhintay 3 Qof, taasi waxay cadeynaysaa tayada Cisbitaalka oo wanaagsan.”

Wasiirka wasaarada Caafimaadka somaliland saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye oo isna Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waa dacaayada Been ah oo indha la’aan ah Waxa uu Jaraa’idkaasi Qoray,Waxaanan  Saxaafada uga digaya Wararka ay qorayaan in ay iska hubsadaan,shacabkana ka dayaan Majara Habaabinta,Warkaasi waa been waxaanan leeyahay bulshada ka faa’idaysta Cisbitaalka adeegyadiina sidiibay u socdaan “Goobaha Caafimaadka ee aanu wada shaqayno ee aanu dadka uwada adeegno,waxaana leeyaha Kani waa cusbitaalkii qaranka.”Ayuu yidhi wasiirku.

Wasiir Xaglatoosiye waxa kale oo uu Fariin u diray Cisbitaalada Gaarka loo leeyahay oo uu sheegay in dadka ay adeegmada ay u fidiyaan marka ay waxba ka qabankariwayaan ay u soo gudbiyaan Cisbitaalka hargeysa.

“Qolada Cisbitaalada Gaarka loo leeyahay marka dadka caafimadkooda ay waxba ka qaban kariwaayan ee heerkii wax laga qabankari lahaa uu gaadho ma ah in ay cisbitaalka Guud ee Hargeysa u soo gudbiyaan, arrintaasi waa nasiib darro ayaanu leenahay,  Marka aad dadka lacagta ka dhamaystaan ee aad caafimaadkooda waxba ka qaban waydaan aad ku soo tuurtaan Cusbitaalka wayn taas waan idiinka digayaa,waxaana leeyahay shaqada inaga dhaxaysa sideed u daaya”Ayuu yidhi wasiirku.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimadka oo isaguna ka hadlay ayaa sheegay in Qorshayaal Cusub oo Casriyeyna u ku hawlan yihiin in ay ka Fuliyaan Cisbitaalka Hargeysa, waxanu hoosta ka xatiiqay in adeegyada Cisbitaalku yihiin qaar aad u fiican