Xuutiyiinta Yaman oo qaadacay Raysal wasaarihii cusbaa ee Madaxweynuhu magacaabay

0
81

 
Sanca(Waaheen) Dhaq dhaqaaqa Shiicada ee dalka Yemen ayaa qaadacay hogaamiyaha loo magacaabay Raysalwasaaraha cusub ee dalka Yemen.
Madaxweynaha Yemen Abdirabbi Mansuur Xaddi ayaa Raysalwasaare u magacaabay Axmed Cawad Bin Mubarik oo kamid ah Lataliyayaashiisa, waana nin ku takhasusay dhanka dhaqaalaha. Axmed Bin Mubarik ayaa ah nin xidhiidh dhaw laleh dalalka reer Galbeedka.
Cabdulmalik Al Xuuthi oo ah hogaamiyaha shiicada Yemen ayaa sheegay in magacaabida Raysal wasaaraha cusub aan lagala tashan dhankooda, wuxuu sidoo kale ku eedeeyey dowlada Maraykanka inay culeys ku saartay Madaxweynaha magacaabida Raysal wasaarahan.
Laba todobaad kahor ayey xuuthiyiinta iyo dowlada Yemen ku heshiiyeen dhismaha xukuumad cusub oo ay qeyb weyn ku leeyihiin shiicada, balse diidmada Raysalwasaaraha la magacaabay ayaa khatar ku keenaysa heshiiskaasi.
Caasimada Yemen ayey hada qeyb badan oo kamid ah gacanta ku hayaan maleeshiyaadka shiicada ah.
Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax oo awood weli kuleh militariga iyo siyaasada Yemen ayaa dhankiisa ka diiday ninka loo magacaabay Raysalwasaaraha oo kamid ah gacanyarayaashii Madaxweynaha xilka haya. Saalax ayaa dhankiisa doonayey in xilka Raysalwasaaraha loo magacaabo xulafadiisa.
Wararkii u danbeeyey ee dalkaasi ayaa sheegaya in xaaladda Raysal wasaarahaasi adagtay isla markaana la wado dedaalo lagu bedelayo, iyadoo wararku sheegayaan in Madaxweynuhu raadinayo Raysal wasaare cusub.