Waftiga Madaxwayne Siilaanyo hogaaminayey oo Gaadhay Magaalada London Iyo Qayb Ka Mida Waftigiisa Oo Dib U Dhacay

0
144

aXMED1 XIRSI1London(Waaheen) Madaxweyne Somaliland  Axmed Maxamed Silaanyo ayaa saaka ka degay garoonka caalamiga ah ee Heathrow Airport ee cariga Ingiriiska.

Weftigan oo shalay ka duulay Egal International Airport si ay ugu qayb galaan shir caalamiya oo arimaha ganacsiga lagaga hadlaayo bishan 14-keeda kana dhacaya magaalda Londonayaa lagu soo dhaweeyay Madaarka, waxaana ka mid ahaa weftiga;

• Marwada koowaad ee  Somaliland – Marwo Aamin-weris sheekh Maxamuud Jirde

• Wasiirka Arimah Dibedda  Maxamed Biixi Yoonis

• Wasiirka Madaxtooyada     Xirsi Cali X Xasan

• Wasiirka Beeraha           Faarax Cilmi Maxamuud

• Wasiirka biyaha             Xuseen Axmed Cabdille

Waftiga caawa gaadhi doona London

1. Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta, Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

2. Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr, Sacad Cali Shire

3. Afhayeenka Madaxtooyada JSL, Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul.

Weftiga waxaa kusoo dhaweeyay garoonksa dayuuradaha ee Heathroow, madaxda tv-ga qaranka, safiirka Somaliland, Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Uk, maasuuliyiin kale iyo dad badan oo ka mid ah jaaliyadda Somalinland ee degen dalkan UK