Wasiirka Maaliyada oo Booqday Cisbitaalka, Xarunta Agoomaha, iyo Jeelka Gabiley Deeqna Gaadhsiiyey.

0
67

 

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale Ayaa Shalay Gaadhay  Gobolka Gabiley waxanu  Soo Kormeeray  Xabsiga weyn ee Gabiley,  Cisbitaalka Guud iyo Xarunta Lagu Xanaaneeyo Caruurta Agoomaha ah  Ee Magaalada Gabiley.

Socdaalkan Wasiirka Maaliyada Somaliland Ayaa Daarnaa Inuu U Kuur-galo  Xaalada  Dhabta Ah Ee Ay Ku Sugan yihiin Dhamaan Goobaha Kala Duwan Ee Uu Booqday, Kormeerkan Ayaa  waxa Wasiirka Ku Wehilinayay Badhaasabka Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise Shiine Iyo Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Cabdiraxman Nuur Abakor.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale Ayaa Balanqaad Baladhan Usameeyay Goobaha Uu Booqday Oo Masuuliyiinta Goobahaasi Ay u bandhigeen Baahiyaha Ka Maqan Jeelka,  Cisbitaalka Iyo Xarunta Agoomaha Ee Gabiley,

Wasiirku wuxu ugu Deeqay  Jeelka Magaalada Gabiley 10 Neef Oo Xoolaha In Maanta Loo Qalo Maxaabiista Ku Jirta Jeelka Gabiley,  Xaga Uu Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Gabileyna Ubalan-Qaaday Inuu Ka Bixinayo Lacagta Ku Baxaysa  Dhakhaatiir Ajaaniba Oo Cisbataalka Gabiley Baahiwayn u qabo,  Sido Kale,  Wasiirka Maaliyada Somaliland Ayaa Xarunta Lagu Xanaaneeyo Agoomaha Ugu Deeqay Xoolo-Nool Iyo Waliba in uu Ka Bixiyo Lacagta 40 Caruura Oo Ku Jira Xarunta Agoomaha Gabiley Ay Ku Ciideen, Si Kastaba Ha Ahaatee Socdaalkan Wasiirka Maaliyada Somaliland Ku Yimiday Gobolka Gabiley Ayaa La Xidhiidha Inuu Ogaado Baahiyaha Ka Jira Gobolka Sida Goobaha Muhiimada Wayn  uleh In Laga Caawiyo Carqaladaha Ku Gadaaman Goobahaasi.