Qiimaha Sarifka Doolarka oo cirka isku shareeray iyo Baanka Somaliland oo soo Loodin kari la’

0
170

 

Meherada oo dadka Suuqa ka fog ugu sarifaha Doolarka lacag ka hoosaysa qiimaha rasmiga ah

Hargeysa(Waaheen)Qiimaha Sarifka Dollarka ayaa sare u kac xoogani ku yimi bishii ugu danbaysay ee looga bartay in uu hoos u dhaco, illaa hadana ma jirto sabab faahfaahsan oo uu ka bixiyey Baanka Dhexe ee Somaliland oo la tacaali jiray mararka ay arrintan oo kale soo food saarto sicirka Suuqa Lacagaha qalaad.

Wararkii ugu danbeeyey ee shalay lagaga seexday qiimaha Dolarka ayaa ahaa in boqolkii Dollar gacanta hore lagu Iibinayey toddoba boqol iyo sided iyo toban kun, halka gacanta danbe ahayd qiimihii lagu helo, taasoo meelaha qaarkood uu kor u dhaafay toddoba boqol iyo dhawr iyo labaatan kun oo shilling Somaliland.

Kor u kaca Qiimaha Dollarka ayaa taagnaa bishii carafe oo dhan, iyadoo looga bartay in uu hoos u dhac weyni ku iman jiray, balse sababo badan ayaa loo aanaynayaa inay bishan ugu wacan tahay in uu sicirku bararo, taasoo ay kow ka tahay Xoolaha dhoofay oo sanadkan ka yaraa kii kal hore.

Sidoo kale, sababaha loo aanaynayo ayaa dadka ka ganacsada sarrifka lacaguhu ku sheegayaan in ay arrintani soo taxnayd tan iyo intii Baanka Dhexe soo daabacday Noodhadhka Kunka iyo shanta Kun, soo daabacashadaas oo lagu tilmaamo tii ugu badnayd ee abid Baanku soo waarido.

Baanka Somaliland oo aan wali isku dayin in uu arrintan talaabo ficil ah ka qaado ayaa la sheegayaa in uu siyaabo kale isugu dayey, wallow aanay illaa hada midho dhalin, waxyaabaha la sheegay in uu ku talaabsadayna waxa ka mid ah in uu hakiyo lacagihii uu u xawili jiray ganacsatada waaweyn oo lagu tiriyo sababa Suuqa sarifka lacagaha khalkhalka galiya.

Dadka ka ganacsada Sarrifka Lacagaha ayaa la sheegayaa inay hayaan ama kaydsadaan lacago ka badan kuwa Baanku suuqa soo galiyo ama taalaba, waxaanay markasta ku talogalaan inay iyagu kaga awood roonaadaan jarida qaa’imada Sarifka lacagaha qalaad.

Kor u kaca Sarrifka lacagta qalaad ee saylada weyn ayaanay la socon meheradaha kale ee ka fog suuqa weyn ama kuwa ku yaala xaafadaha ka durugsan waxaana ka taagan oo dadweynaha ka haysata dhibaato balaadhan, taasoo ay ka mid yihiin in sicir ka hooseeya ka suuqa loogu sarrifo, tusaale ahaan halka uu suuqa ka marayo toddoba boqol iyo labaatan waxa ay Meheradaha aan soo sheegnay illaa hada qaarkood ugu sarifaan Lix boqol iyo toddobaatan kun ama sideetan kun iyagoo Boqolkii Dollarba ka macaasha lixdan ama konton kun arrintaas oo aanu baanku wax wacyigalin ah dadweynaha ku siinin halka uu kolba marayo qiimaha Doolarku.

Si kasta ha ahaatee sicir bararka sarrifka lacagaha qalaad ayaa meel adag maraya, waxaanu u baahan yahay wax ka qabasho deg deg ah.