Maxay Oromo Doonaysaa?

0
104

 

oromWaxaynu qaybtii hore kaga hadalnay damaca Oromo iyo halkii uu ka soo bilaabmay, siddii uu ku dhashay iyo inaanay wali ka rajo go’in wax ka yeelashada dalkan curdinka ah ee Somaliland.

 

Taladdii rajiimkii Siyad Bare ku soo dhaweysnayay kuna siinayay Oromada dal aanu isaguba lahayn waxa maanta u raacay Oromo isbadalka siyaasadeed ee ka taagan mandaqada, iyaga oo gaadhay ilbaxnimo aanay waagaa hore lahayn qaybna ka noqday siyaasada gobolka.  Waxaa u iftiimay sida’ay Somaliland muhiimka ugu tahay mandaqandan geeska gaar ahaan dalka Oromo degto ee Itoobiya, waxanay isku qanciyeen inay dhulkan horena u lahaan jireen haddana ay tahay muhiim inay wax ka yeeshaan.  Waxaan meesha ka ,maqnayn dhiirigalin shisheeye oo arinkooda riixaysa.

 

Inay Oromo deegaan ku noqoto dalka Somaliland waa tabaha lamaagan yahay, waynu aragnaa saansaankiisa haddii ayanaan umada ahaan iyo xukumad ahaanba iska indha tirayn.

 

Waxaa labilaabay in maati badan oo ku taranta kuna dhex korta degaanka lasoo dejiyo.  Waxa dadkaas marka hore lagu keenaa waxa idin qaadaya hayadaha qaramada midoobay oo idin gaynay Yurub iyo America balse markay soo gaadhan magaalooyinka Somaliland arinku sikale ayuu isu badalo iyada oo loosheego inay muddo qaadanyso markaas ay isdabaraan oo ay dadka dhex galaan.

 

Dadkan badankoodu waa kuwo aan waxna qorin waxan aakhriyin balse waxa loosheego maqla hortooda mooyee dhankalena eegin siddii ‘baqashii diridhaba’.  Waxay ku faafaan magaalooyinka dhexdooda kuwaasi oo siyaabo kala duwan uga faa’idaysta haddii ay noqoto dawrsi, jaaryadnimo, baalashle, kuuli, tuugnimo iyo aafada ugu weyn oo ah ka ganacsiga khamriga iyo daraaga.

Waxaa waagii baryaba aynu aragnaa iyaga oo si-raxan raxan ah uga soo gudbaya wajaale, Aw-barre iyo goobo kale oo badanba.  Dadka soo gudbaa waxay ka kooban yihiin rag, dumar, caruur, dhalinyaro iyo waayeelba.  Looma aqoonsana qaxooti oo dalka sifo qaxooti kumay soo galin muraad kooduna maha qaxooti, tahriib uma socdaano dhalinteeniba xagoodaa laga tahriibiyaa, waxay u socdaan waa dano dhaqaale iyo degaan ay ku mahadiyeen kuna qabaan dalkan isagiiba baahida la ciirciiraya.

oromo

Waxaa lagu qiyaasaa inay ka soo gudbaan xadka ugu yaraan dad gaadhaya 200 qof (laba boqol oo) maalintii, maxay noqonaysaa bishii, maxay noqonaysaa sanadkii.  Markaynu qaadano cadadka ugu yar oo ah 200 maalintii, waxay shaxada boqolayda ah ee hoos ku xusan muujinaysaa dadka maanta ku nool Somalilnad qiyaas lamaleeyay shantii ilaa tobankii sano ee ugu danbeeyay, waxaase xaqiiqdu noqon kartaa inay ka badan tahay marka laxisaabiyo taranka ay ku tarmeen tobankaas sanadood ee ugu danbeeyay

 

 

Qiyaastan aynu arkaynaa waa midda ugu yar ee lamalayn karo kol haddii ay maqan tahay xog sugan ama rasmiya oo laga hayo tirada soo galaytiga sharcidarada ah ee dalka ku sugan.

 

Dadka tiradaas leeg waxa qaxooti ahaan u qoran tiro kayar 1% intaasina maaha kuwo ku jira xeryo qaxooti ama ku tiirsan haydaha qaramada midoobay, dawlad ahaana waxba kuma qabno ogolaan shahooda madaada aynaan qayb ka ahayn qaramada middobay haddii magaca lagu hayana ka calanka Somaliya ayaa u qoran UNHCR ta.

 

Maxaynu dheef ku qabnaa?

Maxay dhib inagu hayaan?

Maxaa inooga qorshaysan?

 

Lasoco qaybaha danbe……

 

Axmed Maxamed Good

Ururka Miir Maalka Somaliland (UMMS)

miirmaal@outlook.com