Beel ka soo jeeda Gobolka Awdal oo cabasho ka muujisay Shirkad Shiine ah oo Deegaankooda ka qoda Macdan

0
102

 

“Dhibaatooyinka ay shirkadaasi ku keentay deegaanka waxa ka mid ah xaalufin deegaan iyo  iska horkeen beeleed.” Baaq Odayaasha

Simoodi(Waaheen) Warsaxaafadeed ka soo baxay Beelaha Reer Maxamed Oo ku Wajahan Xumuuda S/land ayna ka Dalbanayaan in ay Baxo Deegaankaasi Shirkad macdanta Baadha oo Chines ah                       

Ku:Madaxweynaha S/land

Og:Madaxweyne ku xigeenka S/land

Og:Wasiirka Macdanta iyo Tamarta S/land

Og:Golayaasha Qaranka S/land

Og: Maamulka Gobolka Awdal  iyo Degmada Borama.

Anagoo ah odayaasha Beelaha Reer Maxamed.nwaxaan halkan baaq qaylo dhaaneed ugu soo gudbinaynaa.in shirkada chine ah (Shiinaha )ee deegaanka Simoodi ka qoda macdanta ay keentay warshado lagu farsameeyo sunta dilaa ah, oo ay mamnuuc ka tahay dunida qodaalkeedu taasi oo cadaynteediina lahayo suntaasi keentay waxaa ka mid ah khasaaraha dhimashada Duunyo badan iyo Bukaan badan. iyadoo dhibaatadaasi deegaanka ku haysa shirkadan Chinese-ka  hadana waxaa jirta in dawladu siinayso Liisan sida aan xog dhab ah ku hayno.

1-waxaa kale oo jirta dhibaatooyin badan oo ay shirkadaasi ku keentay deegaanka oo ay ka mid tahay xaalufinta deegaanka iyo  iska horkeen beeleed. gaar ahaan beelaha wada daga deegaankaasi taasi oo wax u dhimi karta Nabad galyada geeska.

2-waxaa kale oo jirta in shirkadaasi deegaanka siimoodi ka qodo 12macdanood, dawlada ay ogaysiiyaan kaliya 4macdanood 8 kalena ay qarsoodi ku gurtaan,

sidaasi awgeed waxaanu mar labaad u sheegaynaa dawlada S/land laga bilaabo heer degmo, gobol iyo heer qaranba. in si deg deg ah loogu soo diro dhaqaatiir caafimaad oo baadha dadka iyo xoolaha deegaankaba.

 

qodobadani aan soo saarnay ayaa horay waxaa bayaan cad uga bixiyey suldaanka guud ee beelaha reer Maxamed , Suldaan Sh.Ibraahim Riiraash taariikhdu markii ay ahayd 30/9/2014 waxaana lagu qanci karaa document-ga caddaynta ah ee ays oo saartay shdiakada baadhaysa arintani.

waxaanan qoraalkayaga ku xoojinaynaa kana codsanaynaa in xukuumada S/land  in sid deg dega ah ay nooga rarto maadaama dhibaatooyinkaasi badani ay shirkadaasi leedahay ayna jirin aqoon ay  iskaga difaacaan dadka deegaankaasi.

magacyada Odayaasha Soo Gudbiyey Qoraalkani.

1.   XASSAN ABDI CAMIR

 

2.   MUSE CUMAR WARSAME

 

3.   ALI BILE SULDAN

 

4.   RABADAN GULED KAHIYE

 

5.   MAXAMED BARKHADLE CILMI ‘KINIIN’

 

6.   MAXAMOUD SH.ISMAIL CISMAN

 

7.   QAWDHAN ISMACIL SAMALE

 

8.   CARUUSH ROOBLE AHMED

 

9.   MAXAMED JAMAC YUUSUF ‘GABALAX’

 

10.                CABDI JAMAC BARE

 

11.                MAXAMED AYUUB    ‘XABXAB’

 

12.                XUSEEN AADEN C/LAHI

 

13.                C/LAHI CUMAR RAAGE

 

14.                JAMAL XASAN QAALIB

 

15.                MAXAMED AWCALI YUUSUF  ‘ INDHOQABARRE’