Dugsiga Sare ee Dayaxa Ee Burco oo Sagootiyey Ardaydii sanadkan dhamaysa.

0
82

S5940006Dugsiga Sare ee Dayaxa Scondary School Burco  oo Helay Ardaygii Ugu sareeyay Ardayda Somaliland  ayaa Maanta Xaflad sagootin ah u sameeyay Fasaladii ka baxay Dugsiga Sare Form 4ka ah,Xafladan oo ahayd mid  aad loo soo Agaasimay oo lagu qabtay Hotel Deero ee Magaalada Burco ayaa Waxa kasoo qayb Maamulka Gobolka Togdheer,Maayarka Burco,Xildhibaano,Wasaarada Waxbarashada G/Togdheer,Waalidiinta,Culimada Gobolka iyo Waalidiinta iyo Ardayda,
Ugu horayn waxaa Halkaas ka Hadlay  Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Maxamud Yuusuf(Ubaxle) waxaamu yidhi”Waxaan aad u dhiirigalinayaa Ardayga dalka oo dhan u galay kaalinta koowaad,waayo guul buu inoo soo hooyay,Magaalada Burco waa magaalo taariikhi ah,reer togdheer waxaan leeyahay halala taratamo gobolada kale oo halaga badiyo,waxaan kale oo reer Burco ugu baaqayaa inay isdiiwaan galiyaan diiwaangalinta madaniga ah waxaan leeyahay isdiiwaan galiya Musharaxa aad doontaan codka siiya oo.
Waxaa isaguna halkaas ka hadalay Maayarka Burco Maxamed Muraad waxaanu hadalkiisa ku bilaabay”Maanta waxaad arkaysaa in iskuulkii la furaa uu buuxo,hadii waxbarshadu ay badato rajada dadka mandaqadaa ku nool nayaayirkooda ayaa noolaada horumarna way keentaa,Isakuulkan dayaxana aad buu u dedaalay ilaahayna waxanu uga barayaynaa inuu meel fiican gaadho,waxaananhadii aanu nahay dawlada hoose waxaanu balanqaadaynaa inaanu todoba raday waxbarashada jaamacada ka bixno,waanan idin barbar taagananay.
Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Togdheer Xasan Jaamac Warsame ayaa isna waxa hadaladiisi ka mid ahaa”hadii aanu nahay Wasaaradii waxbarashada Gobolka Togdheer waxaanu ku faanaynaa in aanu sanadkan ka galay kaalmaha koowaad iyo kuwa sareba ka galay dalka ee uugu horeeyo Dugsigan Maanta aynu joogno ee dayaxa oo uu inanka Maxamed Cali jaamac u galay kaalinta Kowaad ee Somaliland
Maamulaha Dugsiga Dayaxa Maxamed Cali Bulaale ayaa isan ka sheekeeyay taariikhda iskuulak dayaxa,waxaanu aad u hambalyeeyay ardayga kaalinta koowaad galay ee guush u soo hooyay dugsiga iyo gobolkaba,isagoo sheegay inay dedaalka sii badin doonaan isaga iyo macalimiinta dugsiguba.
Sheekh Cali Warsame,Abwaan Hure Walanwal iyo xubno kale oo ak hadalayay ayaa dhamaantood aad u hamabalyeeyay ardaydii kaalmaa hore gashay.