Askari ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland oo lagu dilay Saaxdheer.

0
66

saxHargeysa(Waaheen) Alla hawnaxariiste Askari ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland oo la odhan jiray Cabdi Liji   ayaa lagu dilay Duleedka  Magaalada Saaxdheer, Askariga oo ka tirsanaa ciidanka degan aaga Magaalada saaxdheer ayaa abaaro shantii Galabnimo u muraadsi tegay Magaalada Gudaheeda waxaanay koox dablay ah oo kasoo jeeda Maleeshiyada Khaatumo u galeen Jidka markuu kasoo laabtay Magaalada halkaas oo ay tacshiirad la eegteen kuna naf waayay, maydka askariga ayaa ciidanka Qaranka Somaliland kasoo qaadeen goobtii lagu dilay oo aan wax badan ka fogayn una dhaxaysay Magaalada iyo xerada Ciidanka waxaana halkaas ka cararay kooxdii dilka u gaysatay askariga,

Magaalada Saaxdheer ayaa mudo ka hor ciidanka qaranku la wareegeen ka dib markii uu cali Khaliif galaydh Gabood ka dhigtay.