Madaxweyne Siilaanyo oo shacabka Reer Hargeysa kala Qaybgalay Tukashada Salaada Ciidul Odxa.

0
125

77 222 3333Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Saaka Kumanaana Shacabka reer Hargeysa ah kala qaybgalay Tukashada Salaada Ciidal Odxa.

Madaxweynaha somaliland oo shacabka caasimada kula tukaday masjid jaamaca magaalada Hargeysa ayaa waxa wehelinayey xubno ka mid ah Golaha wasiirada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii laga baxay salaada ciida hadal kooban oo uu jeediyey waxa uu shacabka somaliland ugu hambalyeeyey munaasibada ciida isaga oo u rajayey bash bash iyo barwaaqo waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ waxaan shacabka somaliland ugu hanbalyeynayaa munaasibada ciida Adxa, waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu ciidan  ciideeda inagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo.” Ayuu yidhi madaxweyne Axmed Siilaanyo

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “ waxaan leeyahay shacabka somaliland waa inaynu meel uga soo wada jeedsanaa ilaalinta nabad galyada dalkeena, waxaanan ku balamaynaa inaynu wada shaqayno.” Ayuu yidhi madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

Markii Salaada lagga baxay wax auu Madaxweynuhu Qof qof u salaamay Dhammaan Shacabkii uu kala qaybgalay Saalada Ciida.