Dawlada Hoose ee Burco oo bilawday wado laami ah casri ah oo ay Faras magaalaheeda kusoo wareejinayso

0
91

Dawlada Hoose Burco ayaa Bilawday Laami casri ah kaas oo dherekiisu dhanyahay inka badan Toban kiiloo mitir waxaanu kusoo wareegayaa Faras magaalaha Mgaalada Burco,bilawga laamigan cusub ayaa waxa goob joog ka ahaa Badhadaabka Burco,Maayarka Burco,Ku xigeenka Maayarka,Xildhibaano Golaha Degaaka ah”
Mayaarka Burco Maxamed Yuusuf Cabdi(Maxamed Muraad) oo faaafaahin ka Bixinaya wadadan ayaa sheegay in ay laamigan ku baxday inka badan hal Milyan oo doolar,waxaanu hadalkiisi ku bilaabay”
wadadani waa shaqadii nalaga sugaayay ee dadku naga sugayay  inaanu qabano hadii aanu nahay dawlada Gobolka iyo Golaha degaanka,saaka ayaa ilaahay ka dhigay inaanu bilawno,waxaanu ku talo galay sadex iyo toban km iyo badh  inaanu samayno  Burco maalmo gudahood,Saacad ka hor baa la bilaabay hadana waad aragtaan  halkay sii socoto,reer Burco waxaan leeyahay Lacag milyan ka badan baa ku baxaysa wadadan ee Guryaan laamiga kusoo jeeda Guri kasta halkaas laamigu ku joogo waa inay Marmarka ama sibidh soo gaadhsiiyaan oo ciidaasi meesha ka baxdo si aan wadaasi ciidu u aasin,waxaan kale oo reer Burco farayaa wadooyinka inay Biyaha ay ku saydhinayaan ka daayaan,wadaadaasi waa raasamaal aynu leenahay ee aynu ilaashano
Gudoomiaya Gobolka Togdheer Maxamed Muuse diiriye ayaa dawlada hoose ugu maadnaqay wadaan casriga ah waxaanu isna dadwaynaha ugu baaqay inay inay ilaashadaan
Maayar Ku xigeenka Burco Muxumad Xasan jaamac (Xoday)oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay iany sii wadi doonaan wax qabadka iyo shaqada ay bulshada reer  Burco u hayaan.