Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo la kulmay Wefti ka Socda Norway.

0
246

DSC_0075Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan CabdilaahI Ismaaciil Saylici waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada kula kulmay Wefti ka socda Dalka Norway kuwaasi oo ka koobnaa 12 ruux kana kala socda Ururada Bulshada iyo Macalimiinta Jaamacada Dalka norway oo dalka ku sugnaa saddex maalmood, kuwaasi oo u jeedada Safarkoodu ay la xidhiidho sidii ay u soo ogaan lahaayeen xaqiiqada Dhabta ah ee ka jirta Somaliland iyo farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Somalia.

 

waxaana kulankaasi madaxweyne ku xigeenka kuwehelinaayey wasiirka wasaaradda Beeraha Prof. Faarax Geedoole, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliya Mudane Saxardiid.

DSC_0121

sidoo kale waxa weftiga ka socda dalka Norway oo haween u badnaa ay kulan la yeesheen Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh maxamed Jirde, iyada oo Marwadu uga mahadnaqday sida sharafta iyo qadarinta leh ee ay wakhtigooda u soo siiyeen inay somaliland ka bartaan dunida inteeda kale, una kuur galaan waxa ay somaliland tahay iyo halka ay aduunka kaga taaloba ay wax uga ogaadaan.

DSC_0138

waxa kale oo iyana halkaasi deeq lacaga oo $1000 Dollar ah cusbitalka weyn ee hargeysa ugu deeqday haweenay ka mid ahayd haweenkii weftiga ka midka ahaa oo lagu magacabo Brit Riise Fredheim lacagtaasi oo ay ugu talo gashay in lagu caawiyo haweenka iyo caruurta.

DSC_0147

kulanka kadibna waxa halkaasi hadalo ka jeedisay marwada madaxweynaha iyo haweenayda hogaaminaysay weftiga, iyada oo marwadana gudoonsiisay hadyad ay ugu talo gashay oo u khaasa marwada.

 

DSC_0075

kulanka ka dibna waxa halkaasi hadlo ka jeediyey  madaxweyne ku xigeenka iyo Xubintii hogaaminaysay Weftiga oo lagu magacaabo Marry Tims

DSC_0082 DSC_0117 DSC_0105 DSC_0090 DSC_0084