Wasiirka Hawlaha Guud oo ka Gubtay Su’aal laga waydiiyey Sababta Uu uga Gaabsado in uu u Jawaabo Masuuliyiinta isku Gobolka yihiin ee Somaliland Cambaareya.

0
86

 

“ Su’aasha Aad iweydiisay waa Edeb darro, oo waa Su’aal Edeb darro ah ayaan iyada kaga jawaabayaa” Wasiir Cabdirisaaq

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ka Gubtay Su’aal lagga waydiiyey Sababta uu ugu jawaabi waayo Masuuliyiinta isku Gobolka Sool  ka soo wadda jeedan ee inta baddan Naqdiya Siyaasada Somaliland amaba dagaalka kula jirra Sidda Cali Khaliif Galaydh oo kale  oo wasiirka isku deegan ka soo wadda jeedan.

Wasiirka ayaa Markii Su’aashasi la waydiiyey  si kulul ugu jawaabay Wariyihii waydiiyey isaga oo iskugu Daray Hadalo Aflagaado ah, waxana Wajigiisa ka muuqatay Cadho weyn.

Su’aasha Wasiirka uu waydiiyey Wariyuhu ayaa siddan u dhignayd. Wasiir Dadka ku dhaliila waxay yidhadan Wasiirku inta baddan umma jawaabo Masuuliyiinta Aad ka soo wadda jeedan Gobolada Barriga ee Somaliland waanad ka gaabsataa oo  sidda Cali Khaliif oo kale umma jawaabtid waa Maxay Sababtu?

Wasiirka Hawlaha Guud waxa uu yidhi “Qolooyinkiinan Saxaafadu waxay ku waanagsan tahay in aad noqotaan Dad Aqoonta Saxaafada yaqaana oo aad ka hadashaan Shaqada wakhtigaasi taagan, siyaasada Somaliland qof walba lawadagalin mayo, waxan u taagnahay ee aan ku shaqeynayo waa Siyaasada Somaliland, Su’aasha Aad iweydiisayna waa Edeb darro ayaan u arkaa, waana Su’aal Edeb darro ah ayaan iyada kaga jawaabayaa, waxan ahay wasiir ka tirsan xukumada waxan fuliyaa siyaasada Xukumada aan ka Tirsanahayay  ku shaqeyso.” Ayuu yidhi Wasiir Cabdirisaaq.

Dhan kale waxa uu ka hadlay Kulan uu la yeeshay Guddi hoosadka Golaha Wakiilada u qaabilsan Hawlaha guud waxanu Wasiirku Faahfaahin ka bixiyey Waxyaabihii ay ka wadda hadleen Guddidaasi waxanu yidhi.   “Runtii Kulankani waxa uu ahaa Mid lanagu Xogwareysanayey taasi oo ay na waydiiyeen Shaqada qaranka aanu u hayno, hawlaha Wasaaradu halka ay marayaan waanu uga waranay wixii Su’aalo ah ee ay hayeena waanu ugga jawaabnay Guddiga, Wixii u baahana in aanu isla sii faahfahinana waanu ka balanay, waana hawl ka mid ah Shaqooyinka ay qabtaan Hay’adaha Dawladu Guddiyada Baralamaankuna waa mid u  xilsaran yihiin in ay Dabba Gabagal ku sameeyn hay’adaha dawlada, Hay’adaha Dawladuna in iyaguna ugga jawaaban weeyi.”Ayuu yidhi wasiirku.

Guddoomiyaha Guddihoosadkaasi Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo isaguna kulankaasi wasiirka ay wadda yeeshen ka hadlayey  ayaa Tilmaamay in wasiirka waxbadan uu u iftiimiyey arrimo badan ay isku afgarteen, isla markan wasiirku faahfaahin ka siiyey hawlaha wasaarada ay qabto.