Madaxweynaha oo amar ku bixiyey Askariga Taliyaha Arabsiyo Dilay in deg deg sharciga loo horgeeyo

0
26

 

Hargeysa(Waaheen) Madaxwaynaha Somaliland  Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa si adag uga hadlay dilkii Taliyaha saldhigga Booliska ee degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley, Marxuum Cabdi-casse. Madaxwaynaha Somaliland, ayaa Tacsi u diray ciidamada booliska iyo ehelka marxuumkaasi, waxaanu ku baaqey in si deg-deg ah sharciga loo mariyo gacan ku dhiiglaha dilka geystay.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo u dhignaa sidan:-

:IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Ciidanka Booliska Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Taliyihii saldhiga Booliska ee Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley, Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Cali (Cabdi-case) oo u geeriyooday togasho uu u geystay askari ka mida ciidamadii uu xukumayey ee Saldhiga Arabsiyo, kaasi oo gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ciidamada qalabka sidaa ay u taagan yihiin sharafta iyo haybadda qaranka, cidkasta oo dhaawac ama dil u geysataana ay ku xadgudbayso sharaftii qaranka ee uu huwanaa, waxaanu intaasi ku daray in Askariga dilkaasi geystay sharciga deg-deg loogu fulinyo. Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidanka Booliska Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) f-hayeenka Madaxtooyada JSL.