Cadhada Bamka Ah Ee Maxamed Xaashi KHALID ( QALINMAAL)

0
110

 

Mucaarid macno ahaan waa koox u mamtay oo baahi u qabta inay hogaanka dalka gaadho. Waxayna ku dhaqaaqaan sifo kasta oo ay ku gaadhayaan hankoodaasi, af  iyo adinba.

Kooahaasi oo kala gedisan ayaa mar kasta wax ka dhex muuqda  Odayga weyn ee Maxamed Xaashi , mar  walbana dhaliishiisu  waa mid aan macquul ahayn.

Hogaamadii kala danbeeyay ee dalka mid kasta wuu la sheqeeyay mudada uu shaqada la wadona ma hadlo, maalinka shaqada laga eryona, ka dib marka uu abuuro khilaaf maamul,  wuxu qoraalo ka buuxiyaa baalalka waregysyada faraha badan ee aan lahayn xakame iyo jare qabta.

Wakhtigii Marxuum Cigaal aad ayuu uga soo horjeeday , maalin ayaa la weydiiyay maxaa xal ah ee Cigaal iskaga bedeli karnaa? Wuxu ku jawaabay isagoo cabiray erayga carbiga ah ee Infijaar. Oo ahaa waxa loo baahan  yahay qarax si uu meesha ug tago, si kale oo lagag qaadaya ma jirto. Taasina waxay muujinaysaya sida aanu dan uga lahayn bulsho iyo dal midna.

Wuu raadsan karaa kursi , waana muwaadin xaq leh laakiin aflagaado ayaa wakhtigan ugu soo korodhay aan xaqiiq cad ku fadhiyin. Isagoo Madaxweyne Axmed Siilaanyo si badhdeedh ah oo isaga ka soo go’aday u aflaagdeeyay, bal u fiirso erayadan ,ma la odhan kara waa qof masuuliyad soo qabtay ama imika raba inuu qabto :

“ Madaxweynuhu ma tartrami karo” “ xanta suuqu waxay leedahay wuu bukaa “

Waxa fiican in odhaahda iyo edebtu wada socdaan .. Xanta suuqa ee  Maxamed  Xaashi hayo wax ka badan muuqaalka madaxweynaha ee maalin  kasta ka soo baxaya warbaahinta kala duwan , isagoo ka qayb gelaya xafaladaha waxabarashada iyo furitaanka dhismaayasha, wadooyinka iwm.

Maxamed Xaashi mar kasta wuxuu gacanta ku sita bam cadho ah, oo maalin kast uu ku qarxiyo warbaahinta aan tudhaalaha lahayn.         “Resentment is like drinking poison”

Hadlak ayaa wanaagasn ayaad ku kasaban kartaa ummada laakiin maaha qoraalka iyo qawlka aan xaqiiqda ahay.

Wa Bilaahi tawfiiq