Xiisada ka taagan Gaalkacyo oo sababtay inay Dadweynuhu barakac bilaabaan.

0
102

 

gaalkacyoGaalkacyo(Waaheen)Magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegayaa in saaka ay ka taagan tahay xiisad colaadeed, iyadoo shacabka degmadu ay billaabeen inay barakacaan, kaddib markii ay dareemeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidammo ka kala amar qaata maamullada Galmudug iyo Puntland.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in labada maamul ay ciidammo fara badan soo dhoobeen xuduudda ay wadaagaan, taasoo keentay in shacabku ay cabsi xooggan dareemaan.

Maamullada Puntland iyo Galmuudg ayaa waxaa toddobaadkii u dambeeyay u dhexeysay xiisad ka dhalatay garoon la xidhay, iyadoo labada dhinac ay isku hanjabeen, inkastoo xukuumadda iyo waxgaradku ay ugu baaqeen inay si nabad ah ku dhameeyaan khilaafkooda.

Sidoo kale, wararka saaka laga helayo degmada Gaalkacyo ayaa sheegaya in uusan jirin dhaqdhaqaqii ganacsiga, inkastoo meelo yaryar ay furan yihiin, waxaana tani ay imaanaysaa xilli madaxweynaha Galmudug oo Cadaado ku sugan uu maalin ka hor ku dhawaaqay in xiisdda si nabad ah lagu xalliyo.

Mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ayaa labada dhinac isku eedeeyay in xiisadaha colaadeed ay iyagu wadaan, iyadoo la sheegayo in shacabku ay u barakacayaan deegaannada magaalada ku dhow-dhow.

Illaa hadda ma jiro mas’uul ka tirsan labada dhinac oo ka hadlay xiisadda saaka ka taagan degmada Gaalkacyo, iyadoo xiisadan ay noqonayso tii ugu horreysay nooceeda oo labadan maamul soo dhexgasha tan iyo markii xilka madaxnimo ee Puntland uu qabtay C/weli Gaas oo hroay ra’iisul wasaare u soo noqday.

Wixii warar ah ee kusoo kordha xiisadda colaadeed ee Gaalkacyo ka taagan waxaad idin kugu soo gudbin doonnaa wararkeenna dambe haddii ALLE ogolaado.