Wasiirka Madaxtooyada oo Daah Buuga Qabyo Qoraalka Wadooyinka

0
30

 

XirsiWasiirka Madaxtooyada oo Daah furay Buugaag Qabyo Qoraal ah oo lagaga Arin sanayo Horu marinta Wadoonying, Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadu waxa kulankaasi oo mudo dhawr maalmood ah ka faray Magaalada Hargeysa, kaasi oo lagu lafa guri doono horumarinta Wadooyinka, waxaanu wasiirku sidaasi ku sheegay Farriin uu soo dhigay Bogiisa Facbook-ga oo u dhignayd sidan

Diyaarinta Qabyo-Qoraalka Halbeega Waddooyinku Dalku Waa Talaabo Horumar ah oo Horay loo Qaaday “Roads Standard Manuals”

Waanu Qiimaynaynaa Taageeradiina Waanan Qaadanaynaa Talooyinkiina,Waxay ahayd maanta kadib markii kulan hawleed qaadan doona maalmo aanu ku daah furnay buuggaag qabyo-qoraal ah “Draft” oo looga gol leeyahay horumarinta iyo hagaajinta Waddooyinka dalka.

Talaabadani Waa bilow wanaagsan oo Waddooyinka dalkeena ka socda loogu dejin doono Halbeeg la raaco oo laga siman yahay.

Bandhigan maantu waa bilow qabyo-qoraal ah , waxaanan ka codsanayaa cid walba oo tallo, toosin iyo tilmaam-ba haysa in ay ku soo darto Anaguna Waanu Qiimaynaynaa Taageeradiina Waanan Qaadanaynaa Talooyinkiina

Waxaan bogaadinayaa Hay’adda ILO oo kaashanaysa Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland “RDA” oo qabyo-qoraalkan gacan wayn ka gaysatay.

Buugta ayaa ka kooban:
1- Pavement Design- Manual “Volume 1”
2- Pavement Design Manual “Volume 2”
3- Pavement Design Manual “Volume 3”
4- Geometric –Design – Manual
5- Drainage Design Manual
6- Bridge Design Manual
7- Road Furniture Manual

Fadlan wixii talo iyo tilmaam aad haysana waxaad ku soo hagaajin kartaa www.guusha.com qaybtiisa talooyinka

Sidoo kale waxaa gacanta lagu hayaa xeerkii Waddooyinka dalka “Somaliland Roads Act” oo marka uu dhamaado Wakaaladda u diyaarin doona in ay noqoto Hay’add Madax banaan oo lugaheeda isu taagta, waxaanu ku dedaalaynaa in Waddooyinka dalku noqdaan kuwo leh:

— Road Standard Manual
— Policy and Procedure
— Somaliland Roads Act

Kuwaas oo dhamaantood taageeri doona hanaanka Waddooyinka dalka oo dabcan ah muftaaxa horumarka.

Waxaa dhab ah horumarka dalkeena ka socda ee dhinac walba leh in uu u baahan yahay Aqoontiina, Taladiina iyo Taageeradiina, hadaba, aynu dhamaanteen gacan ka gaysano taabo gelinta Qarankeena iyo Xaqiijinta Himiladeena.

Wa Bilaahi Tawfiiq