Musharax Maxamed Saadiq oo u tartamaya Golaha Baarlamaanka oo lagu soo dhaweeyay Burco

0
62

S5870005Maxamed Saadiq  X.Yuusuf Dubad oo u sharaxan Golaha Baarlamaanka Somalilnd ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer,Musharaxa oo Fadhigiisu yahay Dalka Norway  ayaa soo dhawayntiisa waxa ka qaybqaatay Xildhibaano,Guurtida ah,Golaha degaanka Burco,Cuqaal,waxgarad iyo dadwayne  kale,iyadoona lagu soo wareejiyay Daafaha magaalada Burco.
Musharax Maxamed saadiq oo soo  dhawayntaas ka dib dadka u mahadnaqay ayaa yidhi” Aad baan ugu mahadnaqayaa Dadwaynaha reer Togdheer ee sida fiican iisoo dhaweeyay,waxaan idiin seegayaa inaan u taaganaay Jagada Musharax ee Golaha baarlamaanka Somalilnd,waxaan rajayanaa in Beesha Muuse Ismaaciil Galbeed ay iyana igu taageeri doonaan,Aniguna waxaan noqon doonaa mid xilkiisa kasoo baxa oo Guul baanan rajaynayaa.
Xidhibaan Cumar Nuur waaye oo ka mid ah Golaha Guurtida Somalilnd ayaa isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi”Maxamed Saadiq waa wiil dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah oo ahmiyad keenay aad baan ugu hambalyaynaynaa,iyadoo lagu xisaabtamayo wiilkaas dhalinyaro ah oo la tixgaliyo,ilaahay ka dhabooba ha ka dhigo hadii uu umada u dan u yahay codsigaagaasi ,Waxaanan ku baaqayaa in diiwaangalintaas madaniga ah iyo kaadhkaas muwaadinka la qaato.
Aqoonyahan Sanwayne ayaa isna dawlada usoo jeediyay inay doorashada xiligeedii dhacdo.
Cuqaal,odayaal  iyo wax garadkale oo halkaas ka hadlay ayaa iyana soo dhaweeyay Musharaxnimada Maxamed saadiq.