Mulkiilaha Guud Universal TV Eng Axmed Abuukar Oo Xukuumada Somaliland Iyo Shacbigeeda Ka Raali Galiyey Barnaamij Faaliyaha Qaranka.

0
38

universalHargeysa(Waaheen) Mulkiilaha Guud ee Telefeeshinka Caalamiga ah ee Universal TV Eng. Axmed Abubakar ayaa Dawlada  iyo SHacabka Somaliland Raaligalin ka siiyey  Baranaamij hore uga Bixijiray Telefeshinka Universal  oo la odhan jiray Faaliyaha Qaranka kaasi oo shacabka iyo Dawlada Somaliland Dhibsadeen.

Sidaasi waxa uu ku sheegay Shirjaraa’id oo uu Qabtay Mulkiilaha Guud ee Telefeshinka Universal TV, Eng,. Axmed Abubakar waxanu yidhi. “Tefeshinka Universal waa Telefeeshin dhexdhexaad ah una dhexeya dhammaan Dadka Afka Somaliga ku hadla, Siyaasada Telefeshinkuna waa mid dhexdhexaad ah oo aan Duullanku ahayn Dad Gaar ah Ama Deegan, Ama Dawlad, runtii waad ogtihiin in Barnaamij ka bixi jiray Telefeeshinka oo la yidhado Faaliyaha Qaranka, ay dhibsadeen Dawlada  Somaliland iyo Shacabka Somaliland, waxan halkan ka cadeynayaa in Barnaamijyadaasi aanan ujeedo gaar ah ka lahayn waxanan Raali Galin ka bixinayaa Barnaamijyada ay dhibsadeen Shacabka iyo Dawlada Somaliland, waxanu ka maamul ahaan Rajeynaynaa in Universal TV  Hawlihii shaqo dib ugga bilaabo Somaliland, waxanan Shacabka Somaliland u sheegaya in Telefeshinka Universal aanu waxa Siyaasad ah aanu Xambaarsanayn oo ka soo hor jeedda Shacabka iyo Dawlada Somaliland, Shacabka Somaliland waxan u sheegaya Telefeeshinka Universal waa Telefeshinkiini awalba idiin shaqeyn jirray haatana waxanu rabnaa in shaqadii halkii uu ka siiwaaddo.”Ayuu yidhi Guud ee Telefeeshinka Caalamiga ah ee Universal TV Eng. Axmed Abubakar

Waxa kale oo uu mahad Celiyey Dadkii ka qaybqaatay in Xidhiidhka Somaliland iyo Telefeshinku Dib uu u soo Noqdo waxanu yidhi. “Waxa kale oo aan halkan ugga mahad celinayaa dhammaan Dadkii ka qaybgalay in Xidhiidhka Telefeshinka Universal iyo Dawlada Somaliland dib u soo noqdo, oo ay ka mid yihiin Salaadiin, Wasiiro, iyo masuuliyiin kale,  kuwaasi oo ka gayqaatay midho dhalka heshiiskii Universal iyo Xukumada Somaliland, Mar labbaad waxan odhan lahaa Telefeshinka universal waxa uu Dawlada iyo Shacabka Somaliland u hayaa qadarin iyo xishmad.”Ayuu yidhi.