Madaxweyne Siilaanyo oo soo saaray digreeto uu ku abuuray Ciidanka ilaalada Sahaminta iyo soo-saarista Shiidaalka ee Ciidanka Booliiska

0
90

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa caawa soo saaray Digreeto cusub oo uu ku abuurayo waax ka tirsan Ciidanka Booliiska Somaliland oo ka shaqayn doona ilaalinta iyo soo saarista sahaminta shiidaalka

Taariikhda: – 27/09/2014 WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu

MADAXXeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2800/092014, ku abuuray, Aas-aasidda Waaxda Ilaadda Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ee Ciidanka Booliiska.

Madaxweynuhu

Markuu Arkay:                       Qodobada 123aad iyo 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda      Somaliland oo lagu aas-aasay Saddexda Ciidan Qaran;

 

Markuu Arkay:                       Faqradda 4aad ee Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda           Somaliland oo qoraya in Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee    Ciidammada Qaranka;  

 

Markuu Arkay:                       Xeerka Nabadgelyada iyo Anshaxa Guud Xeer Lr. 51/2011

 

Markuu Arkay:                       Faqradda 4aad ee Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda           Somaliland oo sheegaya in khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka ay      mas’uul ka tahay Dawladda Dhexe.

 

Markuu Tixraacay:                 Dedaaladda Xukuumaddu ugu jirto daah-furka khayraadka        debiiciga ah iyo ka faa’iidaysiga khayraadka debiiciga ah iyo        ilaalintiisa;

 

Markuu Garawsaday:            Baahidda loo qabo xoojinta Amniga Goobaha iyo cid kasta oo ku hawlan Sahaminta iyo Soo-saarista Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka;  

 

Wuxuu Go’aamiyey

 

Aasaasidda Waaxda Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka (Oil Protection Unit) oo laga soo xulayo Ciidammada Milateriga iyo Booliiska, kana tirsanaan doona Ciidanka Booliiska oo hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Line Ministry),  Xubnaha iyo qaab-dhismeedkiisana uu jaan-goyn doono Taliyaha Ciidanka Booliisku marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.

 

ALLAA MAHAD LEH
Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.