Milicsiga Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya 1977-kii. Q…4aad. W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
219

 

 

  Dhimashadii iyo Dhaawicii Dagaalkii 1977-kii

Dawladaha Dhimashada Dhaawaca Maxaabiista

Wadarta
 Itoobiya 17,000 25,000 6,000 48,740
 Soomaaliya 5,500 2,409 270 7,979
 kuuba 30 80 5 115
 Yamanta Koonfureed 100 100 15 215
 Midowga Soofiyet 33 30 4 67
Wadarta guud 57,111 Ciidan

February 1978 huwanta Itoobiya iyo Kuuba oo Ruushku dabada ka soo riixayo, waxaa ay dagaal 2 maalmood socday dib ugu la soo noqdeen Jigjiga. Sida la sheegay 3,000 ayaa halkaa kaga dhintay Somaalida.

Toddoba maalmood gudahood waxaa Somaalida laga furtay intii badnayd dhulkii ay qabsadeen. March 9, 1978, Madaxweynahii Somaaliya Maxamed Siyaad Barre waxaa uu ciidamadiisa ku amray in ay dib ugu soo laabtaan fadhiisamahii ay ku lahaayeen gudaha Somaaliya. Baaqu waxaa uu soo baxay mar ay le’deen 30% ciidanka, lana burburiyay 80% hubkii, isla markaana, ciidanka cirku ay goobtaa kaga soo tegeen 50% dayuuradihii.

Dagaalka 1977 waxaa la isu adeegsaday hub casri ah, waxaan laga dhaxlay burbur aan laga soo waaqsan karayn. Sida ku kaydsan xogaha la hayo, dagaalku waxaa uu galaaftay ama ku qudh-baxay dad gaadhaya ilaa 37,000 (Somaali 15,000, Jabhadda WSLF 2000, Itoobiya 15,000 iyo Cuba 5,000).Tiradani way ka duwan tahay tii aynu hore u soo sheegnay, oo taariikhaha qaar ayaa sidan sheegaya.

Si kastaba ha ahaatee, guul-darradii 1977 waxaa ay soo afjartay riyadii shanta Somaaliyeed (Somaali- Weyn). Dhinaca kale, hankii Somaali weyn waxaa gabaabsi ka sii dhigay markii dadweynaha reer Djibouti 95% u codeeyeen in ay la madax-bannaani buuxda iyo gooni-isu-taag. Aftidii laga qaaday waxaa ay “MAYA” ka yidhaahdeen in ay ku biiraan midnimada Somaaliya.

Sidaa awgeed, sannadkii 1981 Madaxweynahii Somaaliya waxaa uu booqasho ku tegay dalka Kenya halkaas oo uu ka sheegay in ay gabaabsi tahay riyadii Somaali-weyn. Bishii December 1984 Somaaliya iyo Kenya waxaa ay kala saxiideen heshiis xabbad joojin iyo in la xurmeeyo soohdimaha labada dal. Balse inkastoo ay joogsatay colaaddi ka aloosnayd xuduudaha haddana waxaa muddo dheer sii socotay weerarro ku-dhufo oo ka-dhaqaaq ah tasoo ay wadeen xoogagga lo yaqaanay “Shuftada”.

  1. 1.     Sababihii Ruushka iyo Kuuba u Raaceen Itoobiya

Dabayaaqadii sannadkii 1976-kii ayuu Mingistu heshiis la galay Midawgii Soofiyeet. Heshiiskaasi wuxuu ahaa mid dhinaca millateriga iyo iskaashi ah, kadib dawladdii Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka soo horjeedo heshiiskaas, sababtoo ah wuxuu ka horimaanayey heshiiskii ay dawladda Soomaaliya hore ula gashay Midawga Soofiyeet.

Arrintan waxay keentay khilaaf weyn oo soo kala dhexgalay dawladdii Soomaaliya iyo Midawgii Sooftiyeed, Madaxweynihii waqtigaas ka talinaayey Midawga Soofiyeet ayaa booqasho ku yimi Soomaaliya si uu ugu qanciyo dawladda Soomaaliya in heshiisku yahay iskaashi iyo waliba in khilaaf dhulka ee Itoobiya iyo Soomaaliya lagu dhammeeyo wada hadal,

 

balse dawladda Soomaaliya ayaa ku gacan-saydhay dalabkaas, waxaanay ka dalbatay Midawga Soofiyeet inuu joojiyo hubaynta Itoobiya, maadaama ay caqabad ku tahay heshiiskii Midawga Soofiyeed iyo Soomaaliya dhex maray sannadkii 1974-kii.

Madaxweynihii Midawga Soofiyeet sidii kumuu qancin, balse mar kale ayuu Soomaaliya ka codsaday inay joojiso dhaqdhaqaaqa ay ka wado gudaha Itoobiya, lana sameeyo iskaashi goboleed oo laga baaqsado xurguf dagaal oo aakhirka dhex mara Itoobiya iyo Soomaaliya, arrintaasi waxa mar labaad diiday dawladda Soomaaliya.

Madaxweynihii Midawga Soofiyeet wuuu ka dhoofay dalka, isagoo wax guul ah aan ka gaadhin arrintu u socday, muddo yar kadibna Gen, Maxamed Cali Samatar ayaa booqasho ku tegay Midawga Soofiyeet xaruntiisa, kadib wadahadalo dhexmaray madaxdii Midawga Soofiyeet waxay u caddeeyeen inay doonayaan in heshiis is afgarad dhexmaro Soomaaliya iyo Itoobiya oo laga baaqsado dagaal, taas beddelkeeda uu Midawga Soofiyeed siiyo Soomaaliya hub iyo dhaqaale xoogan, waxyaabaha uu u ballanqaaday Midawga Soofiyeet waxa ka mid ahaaa;

  1. Inuu la wareego miisaaniyadda ciidanka xooga dalka Soomaaliya.
  2. Inuu dhiso warshad taayirada samaysa.
  3. Inuu dhiso warshad samaysa baytariyada baabuurta, iyo
  4. Inuu guryo u dhiso ciidammada soomaaliya.

Ballanqaadkaasi kumay qancin dawladda Soomaaliya, waxaanay sii wateen fikirkoodii inay Itoobiya weeraraan, kana xoorreeyaan dhulka Soomaalidu degto, isla arrintaasi awgeed ayuu dalka  booqasho ugu yimid Madaxweynihii Kuuba Fidal Castro si uu dhex-dhexaadintii u sii ambo qaado, waxaannu soo jeediyey in shir qarsoodi ah lagu qabto dalka Yementa Koofureed. Madaxweyne Siyaad Barre wuu aqbalay soo jeedintaas, kadib waxa la tegay dalka Yemen, waxaana ajendaha shirka soo diyaariyey Madaxweyne Fidal Castro.

Qodobada ugu waaweyna shirka waxa ka mid ahaa; in la isu soo dhawaado oo Itoobiya iyo Soomaaliya isku soo dhawadaan iyo in dalalka Soomaaliya isku soo dhawaadaan iyo in dalka Soomaaliya, Itoobiya, Eratariya iyo Yemen samaystaan dawlad iskaashaday ah (Co-federal), Maxamed Siyaas Barre wuu ogolaaday halka Mingistu ku gacan-saydhay.

Mingistu wuxuu sheegay inaannu waxba la qaybsanayn Eratariya, halka Maxamed Siyaad Barre ku xidhay shuruud ah in laga hadlo xorriyad siinta dadka Soomaalida ee Itoobiya iyo waliba aayo ka tashigooda.Shirkaasi muu noqon mid midho dhala, markii shuruudo ay ku xidheen madaxdii Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Qallinkii

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac:

Colaadihii Geeska………… Cali Cabdi Coomay

La soco………………………..