Xisbiga Ucid oo Xambaareyey Xadhiga Ex Xildh Ibraahim (SANGAL ) oo Xukumadu Xidhay.

0
91

ucidJAMHUURIYADDA SOMALILAND                                                                                 REPUBLIC OF SOMALILAND

     

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka                                                                                                           {UCID}                                                                                                                                                                                 Justice and Welfare Party    

Ref/UCID/0020/2014                                                                                                Date: 25/09/2014

WAR _SAXAAFADEED

HARGEYSA

Ujeedo/Canbaareyn Aad U Xoogan Xadhiga Ex Xildh Ibraahim Axmed Xasan(SANGAL )

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID Waxaa Uu War_Saxaafadeedkan Si Aan La Soo Koobi Karin Ugu Canbaareynaynaa Xadhiga Sharci_Jabinta,Dulmiga,Awood Sheegashada Iyo Xaqdarada Ah Ee Loo Geystey  Ex Xildh Ibraahim Axmed Xasan (Sangal) Oo Ahaa Xildhibaanadii Hore Ee Golaha Deegaanka iyo Waliba Musharaxiintii Golaha Deegaanka Gobolka Gabiley Ee Danbe isla Markaana Ahaa Wakhti Xaadirkan Ku Simaha Gudoomiyaha Gobolka Ee Xisbiga UCID

Ayaa Isaga Oo Qaban Qaabinaya Xaflad Taageerayaal Cusub Oo Ku Soo Biiraya Xisbiga UCID ayaa Awood Ciidan ay Kaga Hor istaageen Xaley  Mayorka Iyo Badhasaabka Gobolka Gabiley isla Markaana Xadhig Loogu Darey Loona Dhaadhiciyey Station Policeka Magaalada Gabiley

Hadaba Xisbiyadii Mucaaradka  JSL Ku Biiristoodii iyo Taageeristoodiiba Ma Waxay Noqotey Ka Mid Noqoshadii Ururka S.N.M Ee Taliskii Maxamed Siyaad Bare Xaaraantimeeyey

Dhaqamada Noocan Ahina iyo Qaar Kale Oo Badaniba Waa Dhaxalka siyaasadeed Ay Soo Kordhisay Xukuumadeenu Intii Ay Talada Haysey Waana Lagu Xasuusan Doona Mustaqbalka Insha,Alah

Xisbiga Ucidna Uma Dulqaadan Doono, Dibna U Daawan Maayo In Masuuliyiintooda Iyo Taagerayaashoodaba Lagu Xidho SiFo Sharci_Daro Ah

Waxaanaanu Ugu Baaqeynaa In Si Deg Deg Ah Xoriyadiisii Loogu Soo Celiyo Ex Xildhiban Ibraahim Axmed Xasan (Sangal) Isla Markaana Raali Galin Ka Bixiso Xukuumadu

XOGHAYAHA WARFAAFINTA XISBIGA UCID

Md: YUUSUF KAYSE CABDI LAAHI

………………………