Xoggaha heshiisyada shidaal baadhista iyo siraha ku duugan

0
112

Sannadkii 2013 wuxuu ku dhammaday in shirkaddii Genel Energy shaqaaleheedii ay kala baxdo Somaliland iyo shaqaddii shidaal sahamainta oo gebi ahaanba joogsatay.  Shirkaddu, shiidaalGenel Energy, si kedis ah oo xitaa Wasiirka macdanta iyo tamartu aanu ka warqabin, xukuumadda inteeda kale iskaba daa iyaka, ayey ku baxday.  Sababta shirkadu u baxday waxa lagu sifeeyey mid nabad gelyada shaqaalihii shirkada salka ku haysa.

Sababta ay shirkaddu u baxday ee dhabta ahi maanta muhiim ma aha ee waxa muhiim ah oo cadaatay in xukuumadda manta ka jirta Somaliland aanay qorshe farsamo iyo khibrad toona u lahayn howlaha shidaalka ,  taasna waxa u sii dheer in aanay fikir fiican oo daacad ah oo musuq ka nadiif ah dadkii deegaanka ula tegin.  Waanay ku guul darraysatay in ay muwaadiniinteeda ku nool goboladda la sahaminaayo, oo xoolo dhaqato u badan, ku hanato .  Xukuumaddu shirkadaha shidaalkana af gaar ah ayey kula hadasha muwaadiniintana af kale oo kaa ka duwan ayey kula hadashaa.

Iyada oo laga wada dheregsanyahay wixii dhacay iyo sidii foosha xumayd ee qandraasyadii iyo shaqaalayntii muwaadaniinta loo maamulay ayaa manta halkii ay wax ka sixi lahaayeen ay ciidan gaara oo calooshooda u shaqaystayaa ah $25 milyan ku dhisayanayaan.  Su’aashu waxa weeye, waar cadowga ciidankan lagu dalbanayaa waa ayyo? Xaggay joogaan?

Maanta waxa Ayaan darro ah heshiisyada Puntland la gashay shirkadaha shidaalka in aanay wax la qariyo ahayn laakiin kuwa Somaliland la gashay shirkadaha aan waxba laga aqoon.

Xukuumaddii Riyaale iyo tan manta joogtaa heshiisyada ay la sexeexdeen shirkadaha shidaalka waxa lagu tilmaamay qaar si xoog ah ugu janjeedha dhinaca shirkadaha, waxyaabo badan oo aanay meel kale ka helaynna ay Somaliland ka heleen, ay uguna horreyso xukuumad ka arradan Qawaaniinta Caalamiga ee Shidaalka.  Waddan mar haddaanu lahayn Sharciyada shidaalka (Peroluem and Gas laws), heshiisyaddu wax adag ma ahan oo waxyaabo badan ayaa la baal mari karra la iskana indho tiri karaa.  Waxaad moodaa in ay leeyihiin “Wax kasta oo soo baxa qaata oo kaalaya”.

Sida lagu soo qoray Petroleum Economics & Policy Solution oo ka warakaya Sub-Saharan Africa oo Somaliland ku jirto waxa ay si qoto dheer waxa uga qortay Heshiisyada loo yaqaan PSC (heshiisyada faaiido qaybsiga).

Wixii ay Somaliland ka qortayna  wax aka mid aha:

1.       Annual rental (US$30 per square kilometre for the initial term, US$50 per square kilometre for the first extension term, US$75 per square kilometre for the second extension term and US$100 per square kilometre for a development and production area

2.       Royalty (negotiable)

3.       Petroleum profit tax (suggested to be at a rate of 15%)

4.       profit sharing in the following production tranches – to 30,000 barrels of oil per day, 30,000 to

100,000 barrels of oil per day and greater than 100,000 barrels of oil per day (gas to be treated on an energy equivalence basis) (negotiable contractor share)

5.       Cost recovery ceiling (negotiable)

6.       The requirement to pay into a community development fund (negotiable)

7.       No export duties payable

8.       No import duty on equipment needed to fulfil petroleum operations as per the contract.

Marka aad sideeddan qodob oo soo koobaya heshiisyada intooda badan aad si qoto dheer uga fekerto waxa kuu cadaanaysa in aanay waxba ka duwanayn sidii adhiga saylada Burco loogu kala iibsan jiray.

Qodobka 1-aad: kumanaan kiiloo mitir oo laba jibaaran marka midkiiba $30 laga qaado waa lacag badan, ka soo qaad 9 isku xidhka oo ka kooban 95845 Km laba jibbaaran, sannadkii waxa xukuumadda ka soo gala 9845×30=$2.875.350 (waa ku dhawaad 3 milyan).  Taasi waa lacagaha aan lagu xisaabtamin ee ka qarsoo muwaadiniinta khasnadda xukuumaddana aan ku dhicin, waayo haddii kale waa la maqli lahaa.

Qodobka 2-aad: Royalty waa wax yaabaha ugu weyn ee wadamadda ama goboladda aduunka ee shidaalka soo saara qaarkood dakhliga ugu badani ka soo galo.  Xukuumaddana xaalkeedu waa “waa la debcin ana laga heshiin doona”.  Ma ahan in heshiisyadda mustaqbalka ummadaadu ku xidhanyahay si fudud ay farahaaga uga baxaan.

Qodobka 3-aad: faaiidada shikadaha shidaalka ka soo gala waa in uu ka bato 15%.

Qodobka 4-aad: kani wuxuu shirkadaha shidaalka u fududaynayaa in markasta ay sababo ama duruufo aduuka ka jira awadeed saamiga Somaliland ay u yareeyaan.

Qodobka 5-aad:  waa macquul laakiin waa in waxa goan la isla gartaa.

Qodobka 6-aad:  Genel Energy way bixisay community development fund (lacagtii loogu talagalay horumarinta degaanadda la sahaminayo).  Meesha ay ku danbeeysay wasiirku ha inoo sheego.

Qodobka 7-aad:  wax cashuur ah oo shidaalka shirkaduhu dhoofinayaan laga qaadayaa ma jirayo.  Halkan boqolaal milyan Ayaan khasnadda dowlada ku soo xeroonaynin.  Waa cashuur dhaaf aan maskax ku fadhiyin.  Bal is weydiiyo oo Ganacsatada xoolaha dhoofiya ama badeecadaha kale ma jiraa cashuur dhaaf daaim ah?  Waa maya.

Qodobka 8-aad:  Waa cashuur dhaaf kale oo qalabka shirkaduhu ku shaqaynayaa ku saabsan.  Tan waa laga wada hadli kara, laakiin in la ilaabo ma aha in shirkaduhu shaqo ganacsi u joogaan Somaliland ee aanay dalxiis u joogin.

Wasiirka, Xuseen Cabdi Ducaale, wuxuu sheegay in East Africa resource Group ay tahay Asante Oil UK Ltd, laakin maqaal lagu soo qoray , GEPS Report (Global Exploration & Production Service) , sidan soo socota ayuu u dhigayaa:

Asante Oil UK Ltd

leaving blocks SL13

SL14

The Norwegian owned company Asante Oil UK Ltd confirmed that it is in the  process of leaving Somaliland, by relinquishing its Block

SL13- L14.  Turkish oil and gas company Genel Energy Plc and partner East African Resource Group took the SL13 block, along with part of adjacent SL10, whilst Block SL14 has been given back to the government. Genel’s new block signed in August 2012 with the Minister of Mining, Energy and Waters Resources of Somaliland Hussein Abdi Duale is now known as SL10B/13,  or Genel Block, in the Togdheer area. Genel has apparently reached a working agreement with the oil company Asante Oil, and is expected to support the exploration work for 70%

Gunaanad

Halkii laga filayeyama ay ahayd in xukuumaddu sidii hore wax ka bedesho oo dadka degaanada la baadhayo degan la dhegaysto oo cabashadooda wax laga qabto ayey xiisad colaadeed bilaabaysa.  Iminka beryahan waxa hadal hayntoodu badatay laba arrimood:

1.        Oil Protection Unit (Ciidamada Calshooda u shaqaystayaasha ah ee khayraadka dalka lagu dhacayo).

2.       Qandraas cusub oo la siiyey Xildhibaan Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale.  X/Dhibaan Cabdicasiis isaga oo la kaashanaya shirkad Ingriiska ah iyo wakiilkiisa Ingriiska oo loo yaqaan Khamaari oo ay isku beel yihiin ayaa wasiirka macdantu, sidii cadadiisu ahayd, si beelaysan qandraaskan u siiyey.  Shirkaddii Olive Group (security) ee 2013 dalka ka baxday ayey halkeedii gelayaan. Oil Protection Unit kana saadkooda iayaka ayaa qandraaska lagu siiyey.

3. Weli sharciyadii shidaalka lama qorin.

4. Heshiisyadii weli golaha wakiiladda lama horkeenin.

5. Wixii dakhli xukuumadda ka soo galay shirkadaha shidaalka meel ay mareen lama garanayo (unaccountable).

6. Wasiirku 4 milyan oo keli ah ayuu qirtay

 

Maxamed Axmed Saxar

Atlanta, GA