Ciidanka Militariga Puntland oo Dhoola Tus ka sameeyey Xuduudka Ay Wadagaan,Maamulka Galmudug

0
181

 

Mudug(Waaheen)Wararka laga helayo Gaalkacyo ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu waqooyiga magaaladaas soo dhoobay ciidammo fara badan oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaasoo deegaannada ku yaalla waqooyiga magaalada ka sameystay fariisimo.

Suxufiyiinta ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in goobaha ay ciidamadan soo gaadheen ay ka billaabeen howlgallo lagu sheegay inay ku sugayaan ammaanka.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in ciidamadan loogu sheegayo kuwo looga hortagayo weerarro maamulkaas kaga yimaada dhinaca maamulk ay dariska yihiin ee Galmudug, kaddib markii Puntland ay dhawaan xidhay garoon uu ka dhistay Gaalkacyo maamulka Galmudug.

Maalmahan waxaa soo if-baxayay khilaaf xooggan oo u dhexeeyay Puntland iyo Galmudug, iyadoo Puntland ay ku eedeysay maamulka Galmudug inuu hub kala soo dago garoonka ay ka sameysteen duleedka Gaalkacyo.

Inkastoo maamulka Galmudug uu iska fogeeyay eedeyn taas, ayaa haddana waaxay sheegeen inay jawaab ka bixinayaan go’aanka ay Puntland ku xidhay garoonka diyaaradaha maamulka Galmudug, iyadoo aan jawaabta la ogeyn.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaan weli ka hadlin ciidanka faraha badan ee ay soo dhoobeen Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, sidoo kaelena weli kama aysan hadlin arrintan maamulka ay dariska yihiin ee Galmudug.

Puntland oo ka cadhootay shir lagu dhisayo maamul ay yeeshaan Mudug iyo Galguduud ayaa xidhiidhka u jartay dowladda dhexe ee Somalia, kaddib markii ay mas’uuliyiinta maamulkan ku andacoodeen in la doonayo in deegaanno ka tirsan Mudug oo ay iyagu ka taliyaan lagu daro maamulka la dhisayo.