Madaxweynuhu Wuu Fahmay Sirta Mucaaridka

0
119

DSC_0014Markii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka codsaday hay’adihii ku shaqada lahaa inay soo gudbiyaan xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka, ayay qaarkood dib usoo celiyeen xubnihii hore ay usoo direen.

Tusaale ahaan xisbiga Ucid ayaa gudoomiyahoodu soo celiyaya xubnitii hore, isagoo hadda ahaa ninkii ugu qaylada badnaa markii la qabtay doorashdii golaha deegaank kaasi oo ku doodi jiray in lakala diro komishanka.

Waxa kale oo iyana yaab noqotay kuwii ka soo jeeday ururkii dhacay ee Xaqsoor oo iyana olole weyn u galay xubintoodii in aan la bedelin.  Iyada oo la ogaa halka ay kalsoonidooda ka taagnayeen ka dib doorashadii deegaanka.

Madaxweynhu wuu fahmay arimaha ay imkana damacsan yihiin wuxuu ku celiyay dhamaantood xubnahoodii, isagoo ka codsaday inay soo bedeshaan.

Arinkaasi madaxweyne waad asiibtay , waayo marka doorashada laga helo haddana waxay soo odhan ahaayeen kuwii aanu hore u nidhi hala kala diro ayaa maanta doorasho kale qabtay  ama qabnaya ma yeelayno .

Bulshada dhamaanteed waxay xaq u leedahay in marba la bedelo kuwii hore oo aanay noqon inay koox gaar ahi  weligood fadhiyaan, taasina,  iyagu may garan laakiin madaxweynaha aya gartay oo ku amaanan, iyagu waxay eegayaan dano dhaw.

Waad asiibtay mahadsanid Madaxeyne.

Ahmed Haybe