Dibu dhaca ku yimaada Doorashooyinka by:- Xaaji Axmed Al-Saalixi Al-Rashiidi

0
97

 

Dibu dhaca ku yimaado Doorshooyinka, waxay masuuliyada kowaad ilaa Afraad saaran tahay:

 

1. komishanka Hadba loo igmada Waajibaadka Doorashooyinka kuwaasi loo arko in ay yihiin kuwo aragti gaaban ee aan hawl sii saadaalin iyo qorshe saxantoona lahayn oo lagu maamulo, ka horna laga hawl-galo rdinta ku tala-galka miisaaniyada loo qoondeeyey inay ku bixi karto doorasho walba oo aysan dhicin in lagu Hambaaburo goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen oo doorashooyinkii fooda  keenaan oo ay soo galaan waqti ahaan.

 

2. komiishanka iyo Hay’adaha kale ee daneeya Doorashooyinka (Stake holders),sida asxaabt, Deeqbixiyeyaasha Caalamiga ah iyo Xukuumadda markaas talada dalka haysa oo ay tahay inay ka wada socdaan arrimaha doorashooyinka oo aysan marnaba kala adhiidh furan ee ay yeeshaan wada shaqayn iyo wada tashi joofto ah, taasoo marka l la waayo keenta inuu komiishanku helyeysto arrimah doorashada uguna amar taagleeyaan siday doonaan, iyagoo inta badan  wakhtigooda ku lumiya safar dibadda ah, raaxaysi iyo fasax ku ragis dalalka ay Xaasaskoodu jiraan.

 

3. waxa sidoo kale dib-u-dhaca doorashooyinka Saamaynta wayn ku leh, iyadoo aan marnaba loo magacaabin xunbo bir-lab ah, waaf ah, miisaan culus leh ee u qalma hogaaminta iyo hanshada hawlaha komiishanka doorashooyink, si loo helo komiishan dhex dhexaad ah ee si cadaali ah uga gar-soori kara, masiirka siyaasadeed ee dalka, waxaa tusaale inoogu filan qof jeclaysiga, gudoonka golaha Guurtidu u caadaystay ee uu ku soo xulo had iyo jeer dad aan bulshada u cuntamin.

4. komiishanka hadda xilka ka degayaa(out going),mudadii shanta sano ahayd ee ay xafiiska joogeen waxay is wayndiintu tahay waxa ay ka qabteen hawlihii laga rabay inay ka hawl-galaan doorashooyinka iyo  diiwaan-gelinta cod-bixiye yaasha ka hor taasoo loo arko inay ku fashilmeen:-

 

a.       Hubintii Habsami ugu diyaar garowga doorashooyinka

b.      La socodka  diyaarinta shuruucda doorashada ee dhiman

c.       Hubinta sida baalamaanku dalka ugu qaybiyey goobo cod-bixineed oo xuduudo sugan leh

d.      Magacaabista saraakiisa iyo shaqaalaha xafiisyada doorashadda ee sii diyaarashada liisska dadka ku habboon.

e.      Sii dalbashada iyo xafidaada sita waraaqaha cod-bixinta iyo diyaarinta agabka iyo qalabka guud ee doorashada, si loo sii ogaado shariikadaha laga dalban karo markii loo baahdo.

f.        Soo kormeerida iyo soo sahaminta Cod-bixinta ku Habboon ee Gobol kasta.

g.       Soo kormeerida iyo tiro koobida qalabkii iyo xafiisyadii goboladda iyo Degmooyinka doorashadu ka jirtay.

h.      Ka raaali-galin la’aanta bulsha-weynta qaabkii iyo habkii turxaanta lahaa ee halista gelin gaadhay nabadgelyada iyo xasiloonida dalka taasoo looga fadhiyey komishanku inay ka garaabaan qaladaadkii doorashoda deegaanka.