Jaadlayaal cabasho ka sameeyey khasaare ka soo gaadhay mudaharaadkii gabiley.

0
94

Hargeysa(Waaheen) koox ka ganacsata jaadka ayaa xalay hay’adaha xukuumada u gudbiyey cabasho la xidhiidha khasaare ka soo gaadhay mudaharaadkii shalay ka dhacay gabiley.

Jaadlayaashan oo gaadhayey toban waxa ay warbaahinta u sheegeen in laga boobay soddon jawaan oo jaad ah, kuwaasoo ay sheegeen in aymudaharaadayaadhii jidka xidhay ku qamaameen.

Sidoo kale, waxa ay sheegeen in jaadad badani ku go’doomeen jidka oo ay goor danbe oo xalay ahayd yimaadeen, kuwaas oo suuq seegay.

Mid ka mid ah jaadlayaasha ayaa ku dooday xukuumadda in ay ka dalbanayaan inay wax la qabato khasaaraha soo gaadhay, isagoo sheegay gaadiidkii siday jaadadkana in burbur badani soo gaadhay.