Dawlada Hoose oo Macradada Baabuurta U raraysa Banaanka Magaalada Hargeysa.

0
109

“waana loo diyaariyey dhul ay gaadiidkooda ku iibiyaan, oo labadda koone ee magaaladda ah” Maayir SOLTELCO.

Hargeysa(Waaheen)- Maayarka Caasimadda Hargeysa C/raxman Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa faahfaahiyay goobo kala duwan oo loogu talo galay in ay dagaan macradadda isagoo sheegay in laga rari doono goobaha ay immika deggenyihiin oo loo rari doono goobo ku yaalla darafyada magaalda oo ay dawladda hoose leedahay .

Ugu horeyn Maayarka oo ka hadlaya qorshaha ay u sameeyeen Macradada Baabuurta lagu iibiyo waxa uu yidhi “maanta laga bilaabo wax macrad ah oo Hargeysa laga furi doona ma jirto dibadda loo wada saaraya, waxaana u diyaaarinay dhulkii maalgashiga, waana loo diyaariyey dhul ay gaadiidkooda ku iibiyaan, dhulkaasi oo labadda koone ee magaaladda ah, laba bilood ka bacdi macrad dambe oo ka furnaan doona ma jirto”

Maayirka Caasimadu waxa uu intaasi sii raaciyey “khaasatan shacabka iyo agagaarkeedda, waxa kale oo aanu wadnaa in istaamadda dibadda loo raro oo gaadiidka dibada looga saaro” ayuu ku soo gabagabeeyay maayirka magaalada hargeysa Sidoo kale waxa uu ku nuux nuux saday inay dadweynuhu cashuurta bixiyaan, isagoo xusay in 50% dadku aanay cashuurtii ku waajibtay bixin.