Wasaaradda Macdanto Oo Afrtii Sanno Ee Xukuumadda Kulmiye Dakhligeedu Noqday Rikoodh Jabis

0
95

xuseen-430x210Wasaaraddaha Dalkeena ka hawul gala ee shaqadda qaranka hayaa waxay kala leeyihiin Qiimeyn iyo kaalmo kala sarsareeya ,wasaaraddaha qaar wax-soosaarkoodu aad buu u sareeya sida Maaliyadda oo kale wasaaraddaha qaar-na waa lakaba oo dakhli kufilan ma soo galo .

Wasaaradda macdantu waxay xukuumaddi riyaale ku jirtay wasaaradaha la kabo taaso dakhliga ay soo xaraysaa ahaa mid kooban , balse waqti xaadirkan Wasaaradda Macdantu sida wasiirkeedu warbaahinta u sheegay in Qasnadda dowlada u soo xarayay lacag dhan 4.5 million Usa Dollar taaso ah heshiisayadii xukuumadu la gashay shirkadaha shiidaalka ee xaqul qalinkii ka soo xarooday , taasina waxay ku timi juhdi iyo dadaal dheerad ah oo uu Wasiir Xuseen Cabdi ducaale ku bixiyey sidii u dalka xidhiidh sokeeye ula sameyn lahaa bahada caalmka gaar ahaan daneeyayaasha saliida Somaliland .

Mudadi afrta sano aheyd ee wasaaradda hayey waxaa uu wasiirku maalin uu la hadleyey warfidayaash u sheegay in Somaliland u soo hooyey lacagtaas kuna rajaweyn yahay in dalka maalin uun saliidisa ay calfan doonan muwaadinta Somaliland ,jiilasha soo socdana uu dalkan noqon khaliijka afrika oo cadaan iyo madow-ba u soo shaqa tagi-doonan .

Qiimaha ay xukuumadda siilanyo ay siisay dhaqaalaha Somaliland waxaa uu noqday mid ay seeskeeda mar walba lagu xasuusan doono sida mugta leh ee maalinti xilka loogu dhiibay ila waqtigan ay soo hooyeen waxqabad muuqada oo marnaba la dafiri-karin islamarkaan lagu xasuusan doono dhiirigalinta shaqaalaha dowladda iyo ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ,kordhinti mushaharaadka iyo fii- kasaamixidii tacliinta hoose dhexe ee dalkeen .

Kaba yaasha dhaqaale ee ay Somaliland u baahantahay In goor iyo habeen la dhiso waxa weeye in dalkeena laga hergaliyo kalsooni u dhaxaysa dadka iyo dowladda taasina waxay ku iman kartaa wacyigalinta iyo wax u sheegida shacabka halka markaste xaal marayo . Is Waydiisid maxaaku qabsoomay? Halkeed marinaysa Hindisihii wasaaradda? Maxaad u qabtay dalka intii aad xilka haysey? Halkee ayaad rabtaa inaad gaadhsiiso Waxqabdkaaga?

Intaas hadii masuul walo xil hayaaba ka jawaabo waxaan filayaa in daacdnimada iyo kalsoonida shacabkuna sii laba jibaarmi doonto balse hadii adiga iyo shacabkaaga markasta laydiin dhexeeyo ,waxaa badan doona propaganda-da iyo wararka been ah oo suuqayda dhex mushaaxa kuwaaso ay rumeyntoodu markasta u fududayahay Caamada . Xaqiiqatan ma jeceli inaan ku hadlo waxaan qiimo ii laheyn aduunka inta la joogana waa maalmo kooban balse waxaan jecelaystay in inyar ka iftiimayo wixii aan ka daawaday telfeeshinka .

qoraalkan Waxa iga keena 4.5 Millon ee ay wasaaradaasi soo xareysay , waxayna ku tusaysa haddi dalkan Wasaarad walba cid aqoonteeda leh loo dhiibo in mudo yar aad larki doonto Midhaha ka soo baxa .