Guddoomiyaha Gudida Qandaraasyadu Maxaa Uu Ka Yidhi Masuq-Maasuq Lagu Edeeyey.

0
66

dddHargaysa(Waaheen) Guddoomiyaha Gudida Qandaraasyada Somaliland Md Aadan Cabdilaahi Xaaji Xasan Oo Maanta Hortagay Guddida Ilaalinta Iyo Daba-Galka Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiilada ayaa ka warbixiyay Ujeeda loogu yeedhay.

Waxa kale oo ka hadlay Warar ay warbaahinta baahiysay oo lagu edaynayay inuu Masuuliyiin gaar ah kooto ugu xidhay Qandaraasyada ay bixiyaan.

Ugu Horayn isaga oo ka hadlay Ujeeda loogu yeedhay iyo masuq-maasuq Soo galay ayaa waxa uu yidhi”

“Waxaanu Saaka La kulanay Gudi ka tirsan baarlamaanka oo ah Gudida ilaalinta hantida qaranka,Markaas ilaa sagaalkii ilaa hada waanu ku jirnay,Si wanaagsan ayaanu Isku waraysanay Wixii su’aalo ay i waydiiyeena waan uga jawaabay,Waxaay Nawaydiiyeen Dhog Mantiyo Kuwaasna Waanu u keenaynaa.

Dhinaca kale waxa uu ka jawaabay warar ay warbaahintu qoraysay oo odhanaysay Shaqooyin ay baahiyaan Gudida Qan-daraasyada inaan si cadaalada Loogu Xaqsoorin Shacabka Soo Xaraysta Shaqooyin ka banaan ee cid gaar Kooto ugu xidhan tahay”

“Runtii Arintaas Waxba Kama Jiraan,Wixii Nooyimaadana Si Nadiif ah Ayaanu u bixinaa,Waxa u Danbeeyey Inaad Joogteen Mooyaane Daamurkii oo aanu bixinay Waxaanan Bixinay 25kun oo Foosto,Sidii la Arkayay ayaanu u bixinay.

Waxa uu intaasi Raaciyay isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi”Diwaan Galinta Iyo Waxan aad ka sheekaynaysaan,Gudiyo Badan oo isku jira ayaanu ahayn,Gudi Farsamo iyo Gudo kale oo uu magacaabay Madaxwaynaha somaliland,Gudida Qandaraas yaduna Way Ku Dhex jirtay,Markaas si nadiif ah ayaanu u bixinay Maantana waad arkaysaan In midhihiisi Socdaan,Shalayna Waa arkayseen In idhihii Laga qaadayay Madaxwaynaha somaliland,Markaas waxaanu Musuq-Maasuqna Majiraan.

Sidoo kale waxa uu sheegay In ay awood u leeyihiin Gudida Baarlamaanka in ay u yeedhaan Masuuliyiinta qaranka,Waxaanu uu sheegay in ay tahay Waajib Saaran,Waxaana uu cadeeyey in ay ka waraysteen Hawlaha uu qaranka u hayo.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gudida Dabagalka  Hanti Iyo Daryeel Qaranka somaliland Maxamed Cali Xiris(Obama)Oo isna ka hadlay Ujeeda ay ugu yedheen Guddoomiyaha Qandaraasyada qaranka somaliland ayaa sheegay in ay Wax ka waydiyeen Sida uu hawlaha Qaranka u Fuliyo,Waxaana uu sheegay inuu kulan kaasi kusoo dhamaaday Is afgarad  Buuxa.

Si kastaba ha ahaatee Guddida ilaalinta Iyo Daba-galka hantida qaranka ee golaha wakiilada ayaa inta badan u yeedhay masuuliyiinta Qaranka,Balse markasta waxa ay shegeen in ay isku af garteen Ujeeda loogu yeedhay,Kuwaas oo maran Warbaahinta usoo bandhigin Wax yaabaha ay uga Shakiyeen u yeedhistiisa,Waxaana laga dhul sugi Doonaa Goorta ay Baahiyaan Masuulka ay musuq-Maasuq Ku Qabteen.