MURANKA DIIWAAN-GELINTA MUWAADDINIINTA EE MUXAAFIDKA & MUCAARADKA.

0
123
 MURANKA  DIIWAAN-GELINTA  MUWAADDINIINTA
                    EE  MUXAAFIDKA  &  MUCAARADKA.
        Abwaan: Ibraahim-rashiid  Cismaan  Guure (aboor).
Beryahanba  waxxaan  shebekadahha  war-baahinta  soomaali-laand  ku  arkayyey muranka  ka dhex  aloosan  Xukuumadda  & Xisbiyyada  Mucaaradka  ah, iyaga  oo  isku  maan-dhaafsan aragtiyo  la  xidhiidha  Diiwaan-gelinta  Muwaaddiniinta  iyyo hirgelinta  qaadashada kaadhka aqooonsiga oo  u  saamixi  dooona qofka  muwaaddinka  ahi  in  uu  codkiisa  doorasho  bixin karo.
Waxxaan  ku  daawaday  doood  uu  qabtay  telifishanka  Horn Cable  oo  ay  ka  soo  qayb galeen xisbiyyada  mucaaradka  ah  ee UCID  &  WADDANi  oo  uu  ka  soo  hor-jeedo  Xisbul-xaakimka KULMIYYE. Doooddaas  oo  ahayd  mid  aad  u  wacnayd, hase yeeshshee  ay  ka  muuqatey  iska hor-imaadyo  ku  qeexan heshiiskii  ay  wada  galeen  Xisbiyyada  Mucaaradka  ah, Xukuumadda iyyo  Xisbul  Xaakimkuba.
Haddaba  aniga  oo  cabbirayya  aragtidayda  ku  aaddan murankan isaga  ah, waxxaan  qabaa sidatan:
1. In  ay  diiwaan-gelinta  muwaaddiniintu  tahay  mid  had iyyo jeer (waqti  kasta  socota)  oo aan  lahayn  xilli  ay  ku  eg  tahay hirgelinteedu, oo  socon  dooonta  muddo  dheer.
2. in  aanay  muddadan  cayyiman  ee  ka  horraysa  Doorashad dhici  dooonta  26-ka  Juun 2015-ku, suurto-gal  ahayn  in  ay diiwaan-gelintaasi  dalka  oo  dhan  ka  hir-gasho, waayyo dadkeennu  wuxxuu  ka  kooban  yahay  65% reer  Guuraa (reer Miyyi) kuwaas  oo  aan haba yaraatee  is-diiwaan  gelin  dooonin, oo  aan  qaadan  karin  waxxa loo  yaqaanno kaadhka aqooodsiga (identity  card).
3. In  ay  dalkeenna  ka  dheceen  doorashooyyin  hore  oo  aan midna  lagu  xidhin  in  ay  dadku qaataan  Kaadhka  aqoonsiga  si ay  u  foodaan..Haddiise  imminka taas  laysku  xidho,  waxxay keeni kartaa  in  ay  muwaaddiniin  fara  badani  ku  waayaan xuquuqda  ay  u  leeyyihiin  in  ay codkooda  ku  dhiibtaan doorashada.
4. Waxxaan  qabaa  in  ay  markii  horeba  khaldanaayeen Xisbiyyada  Mucaaradka  ahi  in  ay heshiis  kula  saxeexdaan Xukuumadda  in  ay  Diiwaangelnta Muwaaddiniinya  iyyo Aqooonsiga cod-bixiyyeyaashshuba (oo  ah  muwaaddiniinta  qaan-gaadhka  ah)  ka  dhacaan  dalka  inta  ka horraysa  doorashada.
5. Xaq  ma  aha  in  ay  Xisbiyyada  mucaaradka  ahi  qaaddacaan diiwaan-gelinta muwaaddiniinta iyyo  Aqooonsiga  cod-bixiyyeyaashsha..taasi  waxxay  ka  hor imanaysaa  distoorkeenna oo qeexayya Jinsiyadda:
(1) in  qof  kasta  oo  u  dhashay S/laand, kuna  ab-tirsada  dadkii degganaa 26-kii Juun 1960-kii iyyo  ka  horba, loo  aqooonsan yahay  muwaaddin reer  S/laand  ah.
(2). Qof  kasta  oo muwaaddin  reer  S/laand ah,  waa la  dooran karaa  waxna  wuu  dooran karaa, marka  uu  fuliyyo  shuruudahha ku  xidhan, sida  Da’da (qaangaadh  yahay)  & inuu caafimaad  qabo (maskax &  jidh  ahaanba).
Waxxaan  arkayyey  Mooshin  ay  xubnahha  Baarlammaanka  ee taageersan  xukuumaddu  ay soo hor dhigeen  baarlammaanka si loo  ansixiyyo  xeerka  diiwaangelinta  muwaaddiniinta, taas  oo uu Guddoomiyyahha  Baarlammaanku  Md. Cabdiraxmaan  Cirro joojiyyey  oo  uu  kulankii albaabbada  u  xidhay, isaga  oo  arrintan u  hor-taagan isaga  oo  ah  Guddoomiyyahaa  Xisbiga Mucaaradka ah  ee  WADDANi  oo  aan  oggolayn  in  xeerkaas la  ansixiyyo.
Anigu  Ibraahim  ahaan  waxxaan  qabaa  in  aanu  Cirro mooshinkan  Albaabbada  u  xidhin balse la  soo  hordhigo Baarlammaanka  oo  ay  falanqeeyyaan  kana  doodaan  oo  ay ama ansixiyyaan ama  ku  celiyyaan  xukuumadda  iyaga  oo  sheegayya waxxa  uu  baarlammaanku  ku  diiddan yahay  ansixinta shacigaas diiwaangelinta  Muwaaddiniinta..Ma  aha  in  uu  Guddoomiyyaha Baarlammaanku  iska  maroorsado  arrimahha  Baarlammaanka  iyyo Sharci-dejinta  Golaha …waa in  marka  laga  baaraan-dego  loo foodaa  oo  arrinta  sidaa  lagu  soo  gebagebeeyyaa.
Muranka  ama  doodda  keliya  ee  meeeshsha  taallaa  oo  ah in laysla  meeel-dhigaa  waxxay tahay: (1). ma  inoo  hirgeli  kartaa Diiwaangelinta  Muwaaddiniintu muddada  yar  ee  ka hadhdhay doorashada. (2). Kaadhka  Aqoonsiga  ma  lagu  xidhi  karaa  in aanu  muwaaddinku la’aantii  foodi  karin, mise  sideennii  hore ayay  dadkeennu  u  foodayyaan  iyada  oo  aan  lagu xidhin qaadashada  Taysarahha (aqooonsiga).
Ismaandhaafku  arrintan  oo  keliya  kuma  xidhna  ee  waxxaa iyana  jirta  oo  aad  sida  fiiinta looga  qaylinayyaa  qoondaynta GOOOBAHHA  COD  BIXINTA  gobollada  iyyo  degmooyyinka dalka…taas  oo  aan  mar  kale  qaadaa-dhigi  doono, haddii  uu Eebbe  idmo.
                          Dhammaad.