Madaxtooyada Puntland Oo Dhaqaale Xumo Soo food saartay.

0
89

 

Madaxtooyada oo Habeen hore laydku ka bakhtiisnaa iyo Shaqaalihii oo ay mushaharkii siin kari waayeen

Garowe1daLuulayo4Garoowe( Waaheen) Biilashii Biyaha, Laydhka iyo Adeega Kale ee Madaxtooyada PuntLand ayay kala siman tahay Mushahar La’aanta Lixda Bilood soo Food saartay guud ahaan Shaqaalaha Dowlada PuntLand’ habeenkii Xalay ahaa Madaxtooyada PuntLand ee Garoowe ayaa uu Laydhku uu ka bakhtiisnaa Sababa la xidhiidha Dhaqaalihii Biilasha Korontada oo Gabaabis Galay.

Mudooyinkan danbe Jaah Wareer baa ka aloosnaa dhanka Adeega Madaxtooyada taasi oo Sababa looga dhigayo Shaqaalaha Madaxtooyada oo aan haysan Adeeg Maaliyadeed oo ku Filan.

“Wasiirka Maaliyada ayaa doraad Sep-14-2014- loo Gudbiyay Biilashii Madaxtooyada oo lagu Lifaaqay Adeegii Baxay iyo Baahida taagan ilaa shalay galinkii danbe ayaa laga sugayey inuu Saxeexo” sidaasi waxa yidh Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyada.

Waa Markii ugu horasay Taariikhda inta la xasuusto oo Madaxtooyada Puntland laga Goostay Biyihii & adeegyada kale ee Daruuriga ahaa taasi oo waji gabax ku Noqonaysa Maamulka Sare ee Xukuumada Puntland oo Balan qaaday inay Xooga saarayaan Bixintan Mashaharaadka Shaqaalaha Dowlada .