Ahmed Nuur Guraaje iyo Mohamoud Hassan Arrale (Tixo gaagaban)
Aqoonyahan ka dada yare ee Axmed Nuur Guraaje ayaa dhawaan barta uu ku leeyahay face book ga ku qoray sugaan kooban oo uu ku duraaya nidhaamkan xisbiyadda ee aynu ku dhaqmaynay mudaba taas oo uu sheegay in aynaan wax dheef ah ka helin kala fogayn iyo qabyad mooyee.
Markaynu eegno bilowgii axsaabta iyo mantay wax inooga kordhay ma hayno dhinaca kobcinta himiladda bulshada iyo dhinaca helida aqoonsi dawladnimo oo aynu ka helo dhinaca calaamka iyo dawladdahla inala waday nidaamkan ku tilmaaman dimoqoradiyadda. Dimoqraadiyadii waxay isu rogtay doonista reeraha iyaga oo aan ku qabin waxtar wadareed reernimo.
Dimoqoraadiyadda caalamku inagu dhirigelinayo ayey iyadda laftigeedu tahay xujo aan yool lahayn oo laynugu dabraayo inta koonfur muraadka laga leeyahay laga gaadhayo : Waa isla sugid wada socota iyo madadalo aan madaxdeenu ka tab lahayn.
Nidaamka axsaabta badan ee aynu qaadanay siduu doonaba haynoo soo galee, wuxuu iskugu biyo shubtay reero koox koox iskugu bahaystay iyo guur guur qabyaaladaysan oo beelo ku dhisan, kana taggan ama kataban dan iyo degaan wadaagtoona kana madhan qarannimo iyo hindise hormar isku bahayse run ah oo axsaabtu ku socoto (xi.sbul xaakim iyo mucaridba). Haddaba waxaa is waydiin leh ma dadkaa qabyaaladda raba mise axsaabtaan qabyaladda unka oo baaqbaaqa mise cidda talada haysa ayaa qabyaalada tarmisa hawba sii daraato xukuumaddan Kulmiyee.
Haddaba akhriste halkan hoose ka dheeho tixo maanso ah oo koobaan oo uu Ahmed Nuur Guraaje ku cabiray sida uu u arko Axsaabta. Tixdaa anigoo ah Maxamuud Xasan Carraale ayaan ayid Axmed Nuur maxsuulka axsaabta aynu ka helay in ay tahay qabyaal iyo marin haboow waana kuwan Maansooyinkii idina ka soo diibta fikirkiina in axsaabtu (UDUB, KULMIYE, UCID IY WADDANI) wax ina tareen: Ma qabyaalad baan ka dheefnay mise Qaran dhis Axsaabta?
Axmed Mukhtar Nuur Guraaje wuxuu yidhi,
” Aqoon is ma dhaanto badan ,
” Aqoon is ma dhaanto badan ,
Ujeediyo aayo maleh ,
Afkaar ma abaabulaan ,
Abaar ma tilmaamayaaan
Barnaamij Astaysan maleh ,
Asxaabtuba waa Inkaar .
Intii u jibaysanee ,
Afaan uurkoodda jirin ,
Run maanta u haysatee ,
Dadkoodda af-duubaysaaay ,
Xaggee Udub laggu ogyahay ,
Muxuu kulmiye idin taray ,
Asxaabtuba waa Inkaaar .
Intay Shar aloosayaan ,
Qabyaalad Abuurayaan ,
Nacaybka abqaalayaaan ,
Umadda kala soocayaan ,
Ayay kala didinayaan ,
Asxaabtuba waa Inkaar,’’
( Tixdii Ahmed nuur Guraaje)
( Tixdii Ahmed nuur Guraaje)
Tixda labaad (Mohamoud Hassan Arrale)
Ahmed Nuur Gurajow runbaad ku adimaysaaye
Alayle axsaabtani wax bay kala irdheeyeene
Alayle axsaabtani wax bay kala irdheeyeene
Umaddii israacday gadaal ka ibtileeyene
Ajanabi wixii uu watay nagu alhuumeene
Ilimaha iblayskay dabeed nagu arjuumeene
Anaa reer afwaaxaa haddeer lala asqoobaaye
Arinkoodu waa oodan iyo eedo kale sheege
Alaylehe ayaantii horaan ka urur fiicnayne
Asluub waxaa leh ummaddi illaah tiisa aaminae
Adduunkaa na eegayaban ku andacoonaye
Alaad seerfer lagu sheegaybaa aamin noo galaye
Alaad seerfer lagu sheegaybaa aamin noo galaye
Ubucdiisa eex jiiftay kaas uuro nagu keenye
Ashahaadadana calanka waa lagu asteeyaye
Axkaamtana ku dhaqankeeda waa laga aftaagaye
Aqalkaa cad iyo ururka yurub baa la Iska iibshaaye
Dhamaan ururadda UNtaa aamin loo yahaye
Ashkatooyinkaa loo diraa dalab arsaaqeede
Anbad baan kanahay Eebaheen goor iyo ayaane
Uur iyo af kala jeedabaan ohow sanaynaaye
Iimaanka duulkii qawadda lama amaanaye
Axsaabtani waxaa ay dhashay waa uduufnimoe
Allow adigu sidii aayo room nagu itaalsii.
(M Arrale)
(M Arrale)