“Waxaan Maqlayey Qaar Axsaabta Ka Mid Ah Oo Xisbiga WADDANI Ka Mid Yahay Oo Jabhad Isku Bedelay Imika Mararka Qaarna Dagaalaba Ku Dhawaaqa, Waan Ka Xumahay” Wasiirka Warfaafinta

0
102

Cukuse55Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii ka soo yeedhay guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo sheegay in Somaliland ay hadda u baahan tahay in loo dagaalamo.

C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta  saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa, ayaa waxa uu ku tilmaamay Xisbiga Waddani mid Jabhad isku bedelay, isaga oo Guddoomiye ku xigeenka Xisbigaasi ugu baaqay inuu xisbiga ka daayo inuu jabhadeeyo sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi   “Waxaan Maqlayey qaar Axsaabta ka mid ah oo Xisbiga Waddani ka mid yahay oo Jabhad isku bedelay imika mararka qaarna dagaalaba  ku dhawaaqa, waayo waan arkayey oo aan Joornaalada ka akhriyey Guddoomiye ku xigeenka oo ah ku simaha guddoomiyaha Axmed Muumin Seed oo leh Somaliland waa loo soo dagaalamay imikana ha la dagaalamo, xabaddu ma fiicna oo dadka way ku dhacaa waanay dishaa, wax wanaagsanna ma aha wax lagu degdegana ma aha.”

 

haddii aad doonayso inaan Jabhad samayso horta waa inaad xabaddaas xanuunkeeda dadkii hore u soo maray aad weydiiso, dalkeenuna uma baahna in xabad laga rido dadkiisuna uma baahna, waxa aynu ka hadlaynaa waa Somaliland oo maalin kasta koraysa miskaxda uu ku soo dhacay in Somaliland maanta uu dagaalka ka dhoco, Xisbiga waddanina waxa uu ka soo qayb galay tartanno fara badan oo ururadii ah, waxaanu ka mid yahay sadexda xisbi qaran ee Somaliland, warqaddii uu ku soo baxay ee lagu riday codka ee uu ku gaadhay dimiqraadiyadda ayuunbuu ku gaadhi karaa waxa uu Xisbigaasi doonayo, laakiin kuma gaadhi karo qori caaradii oo markii uu soo baxay ee la aqoonsanayeyna kumay jirin aqoonsigiisa qori caaradii,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

 

Md. Cabdilaahi Cukuse oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Markaa waxaan leeyahay fadlan qoriga caaradiisa, dawlad laguma gaadho, doorasho kuma dhacdo oo laguma gaadho, wax lagu degdegana ma aha waananu ka waaninaynaa, Guddoomiye  ku xigeenka waddani ee iclaamiyey in dagaalkii sideedamaadkii ay SNM gashay oo kale in dhiig ku daato Somaliland taas ayaan leeyahay, dalkana waa dal doonaya inuu dimuqraadiyad ku gaadho waxa uu doonayo oo ku kala foosa warqad cod ah oo meel lagu rido, waxaan leeyahay Xisbiga waddani waa xisbi diyaar u ah inuu tartan galo ka daa inuu Jamhad noqdo, waanan ka xumahay oo jabhadaha ayaa ku dhawaaqa dagaal.”

Sidoo kale Wasiirku waxa uu Soomaaliya ku eedeeyay inay faro-gelin iyo cadaawad ku hayaan Somaliland, waxaanu yidhi “Somalia waxa aad mooddaa inay intii hore ee balaayo doonka kaga dhiiran yihiin oo ay qadiyadda Somaliland in badan faro gelin ku sameeyaan, wax aan iyaga u oollinna ay ka hadlaan masuuliyiintooda qaarkood, taas oo aanu u aragno inaanay shaqadoodana ahayn mid wax ka taraysa wada hadalladii u socday laba waddanna aanay ahayn, waxaanu aragnaa inay wixii noogu waynaa oo ah qadiyaddayadii ay daan daansi ku hayaan, Diiwaan gelintuna waxa ay Somaliland u tahay qiimo weyn oo Somaliland tan iyo 1991-kii kolba waxa aynu qaadnaa tallaabo aynu ku xaqiijinayno dawladnimadeena, tanna waxa ay ka mid tahay waxa aynu ku xaqiijinayno somaliland iyo dawladda iyo dadkeeda, erayga Somalina sida ay carab uu eraygaasi uga dhexeeyo ee ay dalal kala duwan u yihiin ayey somalina uu eraygaasi uga dhexeeyaa oo ay dalal u kala yihiin Somaliland, Somalia Jabuuti, Somali Killilka shanaad, Somali NFD iyo Somalia Somalia, haddii aynu tallaabo qaranka wax taraysa qaadno cadawga Gooni isku taagga Soomaliland neceb ayaa dhibsada, Masuuliyiin Somalia aha ayaa ka hadashay oo si adag uga hadlay oo yidhi Somaliland ma qabsan karto diiwaan gelinta muwaadiniinta, aad ayaan uga xumahay oo may ahayn inay wakhti iska geliyaan wax aan waxba u tarayn, qofku ma aha inuu naftiisa iyo qofka uu masuulka ka yahayba uu been u sheego, waxaanuu ka hadlay masuulkaasi dal ay Somaliland deris yihiin, diiwaan gelinta Somaliland mid aanu Somalia wax ka waydiinaynana ma aha mid iyaga u taalana ma aha, Jamhuuriyadda Somaliland dadkii lahaa ayaa dhistay oo maanta dhalashada u samaysanaya, waxaan leeyahay Somalia  yeynaan noqonin kuwo oodda dabadeeda iska soo shiida, Somalia waxaan ugu celinayaan arrinta diiwaan gelinta ra’yi kumay lahayn inay diidaan iyo inay yeelaan midnaba waanan ka xumahay inay ka hadlaanba, laakiin waxa ay cadaysteen qodobada ah cadaawadda ay u qabaan Somaliland”