Al-shabaab oo Weeraro Ismiidaamin ah oo ay ugu Argudayso Amirkoodii la Dillay  la Beegsaday Ciidamada AMISOM iyo kuwa Maraykan ah.

0
129

Muqdisho(Waaheen) Ugu yaraan 20-qof ayaa ku dhintay soddomeeyo qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay waddada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qaraxan ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo lagu bartilmaameedsaday sida ay goobjoogayaashu sheegeen gaadiid ay askar AMISOM ah wateen oo waddadaas marayay.

“Waxaa dhacay qarax weyn oo khasaare badan geystay, waxaana gubtay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee caasiga loo yaqaan oo gobol ka yimid kuna socday Muqdisho, gaari kalena oo caasi ahna khasaare ayaa gaaray,” ayay tiri gabar ka mid ah dadka ku nool meel ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay.

Goobjoogahan ayaa sheegtay inay arkeen laba askari oo AMISOM ka tirsan oo qaraxaas ay kasoo gaareen dhaawacyo, iyadoo gabadhan xustay in ruuxna uu ka badbaadin gaarigii uu qaraxu haleelay.

“Baabuurka oo dhan wuu gubtay, dadkii saarnaa oo mayd ah ayaana laga dajinayaa hadda, waddada oo dhan waa la xiray, maydadkana waa la kala garan la’ayahay,” ayay gabadhan hadalkeeda ku dartay.

Kooxda Al-shabaab ayaa Qaraxaasi Sheegtay  waxayna Tilmaameen in ay la beegsanayeen  Ciidamada AMISOM iyo  saraakiil  Markayna ah oo la socday Ciidamdaasi kuwaasi oo ay sheegen in ay saarnayeen Gaadhi Qufulan oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM, wararka kale ee ka soo baxay ayaa sheegay in Qaraxaasi ka sakow dadka Rayidka ah ee ku dhintay, ay ku dhinteen qaar ka mid ah Ciidamada AMISOM iyo Waliba Ragga kale oo Ajnabi ah oo la Tilamaamay in ay u dhasheen Dalalka Yurub iyo Maraykan oo dhincayo baddan Ciidamada Amisom ka taageera.

 

Waxa kale oo warbaahinta ay leedahay kooxda Alshabaab sheegtay in ay Qaraxaasi ay ugu aargudayeen Hogaamiyahoodii dhawaan Ciidamada maraykanku Dilleen, waxa kale oo ay sheegen in aanay Kow Joogin Weerarada ay ku qaadayan Ciidamada nabadilaalinta Somaliya u jooga, Masuuliyiinta Dawlada Xassan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale waxa Cabsi weyni ka taagan tahay Magaalada Muqdisho tan iyo Maalintii jimcihii ee dawlada maraykanku Sheegtay in ay Dishay Hogaamiyihii Alshabaab Axmed Cabdi Godane, iyada oo lagga cabsi qabbo in weeraro kale oo argudasho ah ay sameeyan Alshabab.