Dhalinyarada Reer Soomaliland Oo ku Mashquulay ,Qaad,Qabyaalad, Facebook Tahriib,iyo Xilkii Dalku Ku Laahaa Oo Dayacan,Iyo Hayaan Dal Shisheeye,Bal Eeg Kad Ku Jirto.

0
122

 

waad soo gelinkartaa sawir:-Waxaa Mahadnaq-Iyo ugaaryeelid mudan Eebeheen ,sareeye,ee inoo suurta geliyaay inaan Awood ,Karti,Wakhti u helno Qoraalkan ,oo hadaan alle saamixin,Inana siin Caqli,garsheed aynaan waxba Qori karneen,waxa Akhriyikarneen,Marlabaadkana waxaa ,Aaman ,Mudan-Warbaahinta , Akhristayaasha ,Gaar ahaan Kuwa Qaderiya ,Maamusa,Ildheer ule Qaraaladaydan Taxanahaa.

Intaa kadib waxaan Walaalyaal ,Hore uga soo hadalnay Qaybobadan oo waxa yaalaha dhalinta dib u dhigaya maanta waxaynu ka hadlidoonoo waxyaalo muhiima: laakiin Qaab Qoraalada ,kale ka yar duwan ayaan ,u soo bandhigaynaa,waxaan samaynaynaa Qaybta marka aynu Qodobada sheegno Ayaaynu hadana sharaxaynaa,si ay dadku u fahmaan ,waayo ,Dadku isku fahan ,iyo isku waxa Garasho ,midna ,maaha ,markaa inaguna ,dadka ayaaynu ,la jaanqaadaynaa ,Jiil-walba,Da’kasta ,iyo ,Garaadkastaba ,Yaanaan ku dheeraan Ee manta Qodobadan ,Sharaxayaa,Berina ,iinsha aallah ,Qaybtii Labaad oo xiiso badan Aayaan idin soo Gudbinayaa ,Ee Fadlan Idinkuna ,wixii Qalaldaada ,Wixii ,Talaa ,Wixii Turxaana ,waan idinka sugaaya .

Ogaysiis:Waxaa Jira Buug gaara oo aan ku kala qiimeeyo ,dhaawaana ,aan soo bandhigidoona ,Dadka Maqaalayada ka soo hadla,xataa Ka Caanaan ,Tusha ,iga saara ? waayo? Ilaahay Khayr ha siiyo Qof waxaan ku Qaldamay iisheega ,Qofka Tala isiiyana ,waabuu sii laba laabanyahay waxaanad IIgu soo sheegi ,kartaa Mobilka ,Gacanta 0634431347 ama Email:Mukhtaar_1991@hotmail.com…. waxaanad iga helidoontaa maqaalkasta ,jwb munaasiba ,oo Waa Faqsan ,Diinteena ,Dhaqankeena ,INSHA AALAH.

Bulshayahay ,waxaad ogaanaysaa markasta oo aad waxa baadho,waxyaalo badan ,oo aad is leedahay ,waxay ku haboonyihiin ,in laga hadlo ,oo laga baraarujiyo,bulshada si ay uga Digtoonadaan ,walalyaal ,ummada afka soomliga ku hadashay,waxaa awal hore laynoogu,canaanjiray ,umada aan Mustaqbal,iyo horumar samayn ,ama BEEN ,Ha ahaato,ama dhabe ,laakiin ,maanta waxaa iyana jira qodobo,Aafeeyaay Dhalinteenii,oo aha halka Qaran ,walba,Quruun,walba ,ay ka dhaqaaqdo,waayo ,sidaad wada ogtihiin ,Dhalintu,Waa Horumarka,bulshada,Waa Hanaqaadka,bulshada,Waa Calanka ,Bulshada,Waa Quruxada bulshada ,Waa Qiimaha ,bulshada ,waa Qaayaha ,bulshada ,Waana muraayada bulshada,xalka oo halkaa maraya ,iyo Marxalada oo halkaa ,Ceegaagaysa ,waxaan mudo badan baadhaayay waxaayaalo fara badan oo dhalinyaradii ku jeedo waxaan kaalinta saddexaad galay aaladan lagu magacaabo facebook oo aad arkayso dhalintii oo ku jeeda facebook uun.waxaa iyana aan meesha ka madhnayn dhamaaan Qodobadaa aan Xaga hore ku soo sheegay oo dhan ,Oo uu mid walba uu ku jiro Kaalinta 1aad waayo waxaad xaqiiqsanaysaa markaad dhegta u raariciso,isha daymo dheer u sudho,qalinkana aad kula deg degto,waxyaalahaas oo dhan,hadaba  waxaa Qodobada ugu Daran Hal Qodob oo aha dhalintii oo aan fahansanaynba waxa yaalihii ay u dhimanayeen Aabayaashood oo ay u Galab Caraabayeen ,Oo ay U habeen Gudayeen ,Oo ay Bacad Roorayeen ,Oo ay Xabad Dugsanayeen ,Oo dhiig ,Dheecaan, beeleyeen ,taas oo hadaad damiir aad leedaho ay khasabtahay inaad oydo,inaad fadhiga ka kacdo inaad dhalinyarada Baraarujiso,inaad u sheegto Macanahaas ay u dhinteen Mujaahidiin badan oo Dalkan Ku lahaa Magaca,Oo ay u doorteen Inay Aakhiro aadan oo ay wadka ku doontaan lug dheer iyo gaadhi dheereeya ,,oo magaciisu yahay igaadhsiwedkii Ubadkaygu ha helo nolole ,taas oo ay macnaheedu tahay in aabayaasheen /hooyayasheen ay u dhinteen inaynu ku noolaano ,Nolol Qaaliya ,Nolol Cisi leh,Nolol Raaxo leh,Nolol Qiimo leh ,Nolol aayo leh ,Nolol waxa Barasho leh,NololJacayl ,Nolol Baloodha leh,Nolol Hawo Macaanleh iyo waxa yalo kaloo badan ? hadaba waxaas oo dhan dhalintu badankeedu umay dhul dhigen ee way u cirdhigeen (I mean way tureen way dayaceen ,way ka abaalka dareen ,Oo waayo?Dadkaasi umay dhimanayn inaynu wadanka ka tahriibno,Inaynu Reer Hebel isu kala qaybino waayo tusaale ayaan idin siinayaa:–Immisa nin ayaa ku dhintay Tuulo aanay lahayn haday qabiil doonayaan may yidhaahdaan aniga reer kayagu ma dego  tuuladaa ee taas ayuu degaa oo aan difaacanayaa ,wll dhalinyarooy waxbadan wadankan kama ogin waaynu dayacnay xataa aniga ku dheh,markaas aynu gudno abaalkii mujaahidiinta oo aynu ku laabano tashi,iyo caqli celin .

Dhalinayaradii waxay u qaybsantahay Dhawr qaybood 1:Qayb aan wadana aqoon oo badha Tahriibeen –Badhna Qalbi ka Tahriib ,Badhna Waxa uu hadalhayaa Qabiil Badhna Ruuga ayaay laabeen macanahu waaxa weeye Qaad ayaay laabteen ,kuwii intaa ka soo hadhayna waxaa la tegay facebook ,xataa waxaa meesha ka baxday Cibaadadii aynu ilaahay ka baqno oo xasuusano Aakhri iyo in wadan keenu xaq inugu leeyahay.

Tusaale: bal ka waran hadaynu week Dalka u shaqayno Hal saacad tuusale burao dhalinayarada burao oo isu abaabushay xaafada-ka xaafada halkaynu qabiil qabiil isu abaaulno bal eeg qaacidadan :-waxaynu nahay 5000 oo inaan  waxaynu magaalada u shaqaynaa Hal saac maxaynu qabankarnaa??,maxaynu dhisikarnaa  miyaaynaan ka raysankarin haayadahan aan waxba inoo qaban?hada waa hal maalin gaar ahaan halsaacad ,maxay ku yeelaysaa ?

Tusaale kale :-laami ayaa la dhisayaa  waxaynu ku shaqo galnay 50 engneer  100 kal –kaaliya =intaynu wada dhisi karnaa ,markaas ka goyoon mayno ee waxaynu u baahanahay dhalinayarooy inaynu tuurno Qabiilka,Qaadka,Face-ka iyo wixiii la mida oo aynu qaadano Hogaanka isbedelka .

Guntii Geba Gebadii :-Qoraalkaa dheer intaas ayaan ku joojinayaa manta warbixin macaan ,oo wadata tusaaleyaan macaan ayaan idinhayaa ee waa inoo qaybta danbe . lasco qaybta 2aad

Prepared:Mukhtaar Mahamed Jama X.Diiriye(M.Nadaara)

Burao/Somaliland                                                                                                    Mobil:0634431347

Email:Mukhtaar _1991@hotmail.com