“Waxaa jirta Cabasho iyo tabasho Xooggan Oo Ay ii soo Gudbiyeen Madaxdhaqameedka Awdal, sidaas darteed waxaa lagama Maarmaan Noqotay In Guddi Wasiiro Ah Loo Magacaabo” Siilaanyo

0
88

 

Hargeysa(Waaheen)  Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa qiray culayska Tabashada ku salaysan Saami qaybsiga Xilalka  Qaranka oo dhawaan ay u gudbiyeen   Odayaasha Reer Awdal  oo ka Cabanayey Saamiga ay ku leeyiihin Somaliland oo ah mid aan u qalmin..

Madaxweyne Siilaanyo ayaa shallay  u magacaabay guddida darsaysa cabashada Beeshaasi iyo waxa laga yeelayo waxaanu u dhignaa Warsaxaafadeedka Madaxweynuhu sidan:-

WAR-SAXAAFADEED-Taariikhda: – 03/09/2014

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/MG/241-2682/092014 ku magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal.

Ujeedo: Magacaabid Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal

Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga

Ku: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Beeraha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Ku: Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka

Ku: Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda

Ku: Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Mudanayaal, Waxa jira cabashooyin iyo tabashooyin xoogan ay ii soo gudbiyeen Salaadiinta iyo Madax-dhaqmeedka Gobolka Awdal oo ay kaga cabanayaan saami qaybsiga iyo jagooyinka shaqo ee Deegaanka Awdal, Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan noqotay in Guddi heer Wasiiro ah loo magacaabo hawshan si ay daraasad iyo xaqiiqo raadin uga sameeyaan arrintan.

Haddaba Mudanayaal, si xog iyo macluumaad dhab ah looga soo uruuriyo cabashadan; waxa aan mas’uuliyiinta warqadani sida tooska ah ugu socoto u magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka arrimaha laga cabanayo ee qoraalka ku xusan, waxaana Guddoomiye u noqon doona Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sidaa darteed Mudanayaal, waxa aan idinka rajaynayaa in aad hawshan xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL