Godane kuma dhiman Weerarka, ee Hogaamiye kale ayaa lagu dilay: Al shabab Twitter

0
72

Muqdisho (Waaheen) – War la soo geliyay Bogg Cusub oo Kooxda Al shabaab ka samaysateen Twitter-ka, ayaa lagu sheegay in uu been yahay Wararka Warbaahinta tebiyeen ee ahaa in Axmed Godane lagu dilay Weerarkii dhanka Cirka ahaa ee Habeenkii Isniinta ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.
“Waxaanu u sheegaynaa Warbaahinta inay joojiyeen Wararka Beenta ah ee sheegaya in Emir Sheikh Abu Zubeyr lagu dilay Weerarka, waxaan idiin leenahay Godane waa uu nool yahay, waxna masoo gaadhin,” ayaa lagu sheegay warka lasoo dhigay Twitter-ka.
Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Weerarka lagu dilay Qof kamid ah Al shabaab, balse Magaciisa & Darajadiisa aysan sheegin, Waxaa lagu yiri Warka Twitter-ka Diyaaradaha Cadow Alle waxa ay saddex Gantaal ku dhufteen Goob kayn/Duur ah waxa ay la kulmeen Iska caabin dhanka Al shabaab ah.
“Waxaan si sahlan ugu jawaabayna Warbaahinta Reer galbeedka, Emir Sheikh Abu Zubeyr waa uu noolyahay, howshisa ayuuna wataa, Jawaabna waan ka bixin doonaan Weerarka Mareykanka.”
Bogga Cusub ee Twitter-ka Warkan lasoo dhigay waxa la sameeyay 10 Saac ka hor, waxaana si rasmi ah loo xaqiijin karin in Al shabaab leeyihiin & inkala.
2008, Al shabaab si rasmi ah ayay u xaqiijiyeen in Hogaamiyahoodii Aadan Xaaji Ceyrow lagu dilay Weerar dhanka Badda ah oo Mareykanka ka danbeeyay, balse weerarkan danbe waa ay ka gaabsadeen waxaana taasi lagu micneeyay in 90% uu Godane ku dhintay Weerarkii Habeen hore.
Shakiiga jira waxa uu sal dhigan doonaan marka uu Godane soo diri Cajalad Maqal ah oo uu ku sheegayo inuu nool yahay & sida ay wax u jiraan.
Kooxda Al shabaab ayaa kawada hadda Degmada Baraawe Howlgallo ay Dadka Deegaanka uga qaadayso Taleefoonada gacanta (Mobiles), kadib markii ay ka shakiyeen in Dad ku sugan Degmada ay hageen Weerarkii Habeen hore ee lala eegtay Axmed Godane.
Sidoo kale, Al shabaab waxa ay xireen Dad badan oo isagu jira Rayid & kuwa Kooxd kamid ah, waxaana ay sheegeen in Cidi ku cadaadata inuu la shaqeeyo Reergabeedka & DFS ay dili doonaan, Xaaladda Cabsi ah ayaa ka jirta Degmada Baraawe & Deegaanada kale ee Al shabaab joogaan.