Ciidanka Ilaalada Xeebaha Waqooyi oo soo qabtay Tahriibayaal  

0
64

 

Waxay isugu jiraan Somali iyo Ajanabi, waxaana la keenay Laanta Socdaalka

 

Hargeysa(Waaheen) Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland gaar ahaan kuwa Gobolka Selal ayaa soo qab qabtay Tahriibayaal iyo kuwo ka ganacsadah tahriibka, waxaanay keeneen xarunta Laanta Socdaalka Hargeysa, halkaas oo ay ku xidhan yihiin.

Tahriibayaashan ayaa la soo qabtay iyagoo Badda galay, waxaanay Ciidanka ilaaladda Xeebuhu ku qaadeen Olole ay ku bartilmaameedsanayaan Tahriibka oo si xawli ah bilahan danbe uga socday Xeebaha Waqooyi Galbeed ee Gobolka Selal.

Eedo ku saabsan taageero ay Tahriibayaashu ka helaan madaxda Booliiska iyo kuwa Socdaalka ayaa isa soo taraya, waxaana soo bandhigida Eedaahaasi Daaha ka feyday Hawlgalka Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo ogaaday saamaynta ay arrintani ku yeelatay korodhka Tahriibayaasha oo aan wax cabsi ah ka qabin Laamaha kale ee Dawladda.

Si kasta ha ahaatee qabashada Kooxdan oo ah tii ugu badnayd ayaa wax ka taraysa dhibaatada Tahriibka iyo Tahriibayaasha.