Shirkada Africa Oil oo joojisay sahankii shidaalka ee Kililika Shanaad

0
152

Siti(Waaheen) Africa Oil ayaa khamiistii ku wargalisay xukuumada Ethiopia in ay joojineyso hawlihii sahaminta shidaalka ee ay ka waday DDSI. Kambaniga ayaa shaaminayey aagaga 7-aad iyo 8-aad ee goobo ka mid ah degaanka Soomaalida.
Shirkada ayaa sheegtay inkastoo Ceel Kuran-3 laga helay raad gaas iyo shidaal, in haddana hubaal aaney ahayn in keydka shidaalka iyo waliba tayaada shidaalku tahay mid ganacsi gali karta.
Warbixinta waxa lagu sheegay in 3 shirkadood ay saameyo kala duwan ku leeyihiin aagaga 7-aad iyo 8-aad ee Africa Oil baadheysay. Labada shirkadood ee kale ayaa fadhigoodu yahay dalka Britain iyo Imaaradka Carabta.
Labada aag ee shirkadu sahamineysay ayaa la xusay in ay ku kala yaalaan Ismaamulka Soomaalida Basin iyo Degmada HAdhagala oo kamida gobolka sitti   Ethiopia.
Ismaamulka Soomaalida ayaa horey loo xaqiijiyey in uu qani ku yahay gaaska dabiiciga ah isalamarkaana lagu tuhunsan yahay shidaal maadama u dhisamaha dhulka gobolka aad ugu eg yahay ka  gacanka Carbeed oo laga soo saaro shidaal badan.
Xaalada amaank ee gobolka ayaa ka soo resay sanadahii dambe walow ay wali jiraan iska horimaadyo aan xoog lahayn oo u dhaxeeya ciidamada dawlada iyo jabhada ONLF.
Afrika oil si cad warbixinteeda ugu qeexday in ay u joojisay shaqadii sahaminta ee Ismaamulka Soomaalida sababo la xidhiidha dhinaca ganacsiga taas oo ka dhigan in dhaqaalaha ay galinayso goobahaas iyo keydka shidaalku aaney isu dheelitirneyn.

“Jamhuuriyadda Somaliland ayaa haysata kalsoonida siyaasadeed ee dadweynaheeda” Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland

Hargeysa(Waaheen) Wasaaradda Arimaha dibadda Somaliland, ayaa beesha caalamka u sharaxday rabshadaha ay kooxda Cali Khaliif ka wadaan Degaanka Saax-dheer.war-qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga ayaa lagu sheegay in Somaliland haysato Kalsoonida Shacabka si ay u sugto amaanka xuduudaheeda, waxayna Beesha Caalamka ugu baaqday in Kooxda Cali Khaliif laga joojiyo qaska ay wadaan.

“Waxa aannu bulshada caalamka ugu baaqaynaa inay kooxda fallaagada ah ee Cali Khaliif iyo taageerayaashooda ka joojiyaan inay ku kacaan falal dheeraad ah oo lagu waxyeellaynayo amniga, laguna abuurayo deganaansho la’aan ka dhacda magaalada tuulada Saax-dheer ee bariga Somaliland. Beesha caalamka, Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalalka jaarka waxa ka dhexeeya dano guud oo ay wadaagaan oo khuseeya ilaalinta, adkaynta xasilloonida iyo nabadgelyada, taasoo wax cad oo muuqda ahayd muddada 23-ka sanno ah ee Somaliland jirtay,”

Qoraalka Afhayeenka waxaa lagu sheegay in Kooxda Cali Khaliif iska diiday talaabooyin lagu xalin lahaa khilaafka “Cali Khaliif iyo kooxaha kalee qas-wadayaasha ah ee fallaagada (Khaatumo) waxay iska dhego-mariyeen, diideenna isku dayo lagu doonayey in khilaafka jira lagu xalliyo hannaan nabadgelyo oo wadahadal ah, taas beddelkeediina waxa kooxda Cali Khaliif sii wadeen sidii ay uga hawlgeli lahaayeen degaannada bari ee dalka, ugana fuliyaan falal argagixiso si ay u minjo-xaabiyaan xasilloonida iyo nabadgelyada Somaliland ku caano-maashay.”

War murtiyeedkan waxaa lagu caddeeyay in Somaliland haysato Ogolaanshaha iyo Kalsoonida shacabkeeda si ay u sugto amaanka“Dawladda sida dimoqraadiga ah loo doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa haysata awood dawladeed iyo kalsoonida siyaasadeed ee dadweynaheeda si ay u sugto nabadgelyada, una ilaaliso muwaaddiniinteeda, iyadoo sidoo kale awood sharci  iyo xaq u  leh inay farogeliso, kana fuliso hawlgallo amni gudaha xuduudaha dhulka dalkeeda. Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay hore si cad u muujisay inay ka go’an tahay sidii xal nabadgelyo loogu heli lahaa dhammaanba khilaafaadka jira, iyadoo soo dhawaynaysa fursad kasta oo suurtogeliya inay wadahadal lala yeesho kooxaha gudaha ka wada rabshadaha iyo dalalka dariska ahba.”

Warkan qoraalka ah waxaa lagu sheegay in rabshada u dambeysay ee kooxda Cali Khaliif samaysay tahay dhacdadii Saax-dheer “Si kastaba ha ahaatee, fallaagada Khaatumo waxay dooneen inay qaybo ka mid ah Gobolka Sool ee bariga Somaliland ka abuuraan xiisad, dhaliyaanna rabshado iyo deganaansho la’aan, arrimahaas oo aanay dawladda Somaliland marnaba u dulqaadan doonin. Rabshadihii u dambeeyey ee ka dhacay degaanka Saax-dheer waxay ahaayeen natiijo ka dhalatay hawlgal fallaagada Khaatumo doonayeen inay magaaladaas ka abuuraan, taasoo xiisad ka dhex abuurtay bulshada degaankaas,”

Hadalka Wasaaradda Khaarajiga Somaliland ayaa daba socda Bayaan ka soo baxay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Nicholas Kay, safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Michele Cervone d’Urso iyo Wakiilka Maraykanka ee Soomaaliya Mr. James P. McAnulty,  oo wadajir maalintii Jimcaha ugu baaqay dawladda Somaliland inay ciidankeeda kala baxdo degaanka Saax-dheer oo 70km dhinaca koonfur-bari ka xiga magaalada Laascaanood, halkaas oo dagaal khasaare dhaliyey ku dhexmaray ciidanka qaranka iyo malleeshiyaad ilaalinayey Cali Khaliif Galaydh oo la doonayey in madaxweynenimo magac-u-yaal ah loogu caleemo-saaro degaankaas maalintii Khamiista.